Farmaajo oo si Sharci daro ah ku magacaabay Golaha Addeegga Garsoorka

 


A C-WARAR

Xeerka Madaxweyne ee tirsigiisu yahay ale. 357 ee uu saxiixey M_Farmaajo30 December 2020 wuxuu si cad ujebinaayaa qodobada Dastuuriga ah ee khuseeya magacaabista iyo meelmarinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka.

 Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka horyimid 7 ka mid ah xubnaha golaha adeegga Garsoorka ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Warqadda kasoo baxday xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay inuu sharci darro ah yahay xeerka uu saxiixay madaxweynaha, islamarkaana uu ka hor imaanayo qodobada dastuuriga ee ka hadlaya dhismaha golaha adeegga garsoorka. 

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale intaasi ku daray in golaha shacabka 22-kii bishii November uu u soo diray aqalka sare qaraar uu kusoo ansixiyay illaa 7 xubnood oo ka mid noqonaya golaha adeegga darsoorka, kuna jiran guddoomiyaha Maxkamadda Sare  & Xeer ilaaliyaha qaranka.

Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ku tuntay shuruucda u taal dalka, gaar ahaan qaabka ay tahay in loo maro adeegga garsoorka

 



Mahad Salaad “Farmaajo waa soo xarga-goostay ee dalka iyo dadka ha laga badbaadiyo Qormo Xasaasi ah

 

Farmaajo wuxuu xalay si sharci daro ah oo dhuumaalaysi ah u saxiixay Todoba (7) ka mid ah Sagaalka (9) xubnood ee Golaha Addeegga Garsoorka. Kuwaas oo aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Ka sokow in xubnahaas markii horeba aysan soo buuxin shuruudaha xubinnimada ee ku cad Qod. 109A Dastuurka iyo Qod. 6aad ee Sharciga lagu asaasay Golaha Addeegga Garsoorka, haddana waxa sidoo kale la fogeeyay taariikhda xeerkan la saxiixay iyadoo laga dhigayo in muddo hore la saxiixay, maadaaba Farmaajo hada uusan lahayn sharciyad uu xeer ku saxiixi karo oo mudo xileedkiisu dhamaaday. Hadana xeerkani wuxuu ka soo horjeedaa qodobo badan oo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla ah. Tusaale ahaan:

Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 7aad ee Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka ee si cad u qeexaya Habraaca Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka. Qodobkan waxaa horay u soo jebiyay Xukuumadii xilgaarsiinta ee Mahdi Guuleed hoggaaminayay.

Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 112aad dastuurka ee si cad u qeexaya in Magacaabidda Guddiyada Madaxbannan Heer Federaal marka Golaha Wasiirrada ansixiyaan ay magacyadooda u gudbinayaan Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) si uu u ansixiyo, kadibna waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. Iyadana ma dhicin oo Farmaajo ayaa mar kale ka tilaabsaday ansixinta Aqalka Sare!

Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 85aad Dastuurka ee Dhaqangelidda Sharciyada maadaaba uusan soo marin habraaca sharci-dejinta labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku xusan qodobkan.

Farmaajo wuxuu si bareer ah ugu tuntay Qod. 87aad (2), 90aad (f), 96aad Dastuurka ee xeerinaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu xilkiisa u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrayana Dastuurka Qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Haddaba, Farmaajo waa soo xargagoostay ee ha loo istaago sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa



Post a Comment

0 Comments