farmaajo iyo maska somaliya fahad yasiin oo bilaawey qaarijinti mucardka

 


A C-WARAR

Tan iyo billowgii 2017-kii markii uu xukunka la wareegay Maxamed Farmaajo waxaa dhagaha Soomaalida hadba ay la kowsanayeen dhacdooyin cusub oo qaarkood ugub ah marka sooyaalka siyaasadeed ee dalka dib loo eego.

Xasaradahaasi inta badan dowladda federaalk ayaa abuureysay waqti kasta iyadoo aan taariikhdu maanta xusayn muddada afarta sano ah ee madaxweyne Farmaajo uu joogay in aanay jirin hal bil ama badhkeed uu dalka xasilooni siyaasadeed iyo mid amniba uu helay.

Xukunka Farmaajo oo xilli kasta abuuridda xasaradaha siyaasadeed sababteeda lahaa, ayaa ku guul-dareystay wada-shaqeyn uu la yeesho dowladaha xubnaha ka ah, taas beddalkeedana uu siiyay dagaal siyaasadeed oo qaarkood dhiig uu ku daatay eey ugu danbeeyse tii shley kadhacdey hotell Africa ee muqdisho

 Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid noqday dadkii lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho , iyagoo ku xiraya hubkii Fahad Yaasiin iyo yurkiga ay ka taageertay Qadar.

Hawlgalkan ayaa loo arkaa inuu yahay soo noqoshada dhaqdhaqaaqii alshabaab ee hawlgallada waaweyn ka wada gudaha magaalada Muqdisho, taasoo muujineysa taageerada agab ee cusub ee ay helayso

Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida

Weerarka ayaa hotelkaas ka bilaawday wax yar un kadib markii uu soo dhamaaday shirkaas, balse waxaa isla markaas Hotelka ka bilaawday shir kale oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka beesha Ceyr, kaas oo ay uga arrinsanayeen kiiska guddoomiyihii dhawaan la dilay ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun.

Tobanaan qof ayaa laga soo badbaadiyey hotelka markii uu weerarku ka bilaawday kadib, waxaana illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afriik. 

Waxaana hubaal ah in Weerarkaasi uu ahaa Qorshe lagu doonayo in lagu shirqoolo shakhsiyaad gaar ah oo siyaasada farmaajo kasoo horjeeda

Dhaqaalaha Qadar iyo Hubka Turkiga ayay alshabab ku hawl gashaa yadoo ka takhalusaysa mucaaradka farmaajo madaama ay wada shaqayn iyo dano ka dhexeeyaan Dawladda iyo Alshabab.

Dilka loo gaystay Gen. Galaal ayaana kamid ahaa qorshaha uu farmaajo ku doonaayo inuu ka takhaluso mucaaradkiisa siiba kuwa qabiilka hawiy




Post a Comment

0 Comments