Farmaajo ayaa adeegsada saraakiil ka socota Qadar iyo Turkiga si uu u caburiyo banaanbaxayaasha

 


A C-WARAR

Dibed-baxayaal iyo Musharaxiin lagu rasaaseeyey agagaarka isgoyska Km4

Rasaas laga ridaayo gawaarida gaashaaman eey hugaaminaayaan saraakiil turkeish iyo Qatar ayaa agagaarka isgoyska km4 ee magaalada Muqdisho xili ay xiran yihiin jidadka magaalada intooda badan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada DF ee ku sugan bar Kontrol oo ku taalla agagaarka Km4 eey wehliyaan saraakiil Turkish iyo Qatar

ay rasaas ku kala eryeen dibed baxayaal ay horkacayeen koox musharaxiin ah oo socod ka soo bilaabay wadada garoonka aadan cadde.

Dibed baxayaasha la rasaaseeyey ayaa waxaa horkacayey musharaxiinta kala ah C/raxmaan C/shakuur iyo Xassan Cali khayre.

Goob joogayal ayaa sheegaya in in rasaasta ka dib  lagu kala cararay goobta, ayna dadkii dibed baxayey u kala firxadeen meelo kala duwan.

Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayey isku sii badinayaan. Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan 

Waxaa ayaan daro ah in eey Qatar iyo turkey faragalin ku sameeyaan siyaasada dalka eeyna garab istaagaan kaligii taliyaha ee waqtigiisa dhamaadey farmaajo iyo fahad yasiin

 Saraakiisha Amarka bixisay maanta lagu xasuuqay shacabka Banaanbaxa dhigaayey

*Saraakiisha amarka bixiyay, hagayay isla markaasna hoggaaminayay weerarkii xalay lagu qaaday Hotel Maa’ida ee ay deganyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Shariif. Qabaa’ilda ay ka soo kala jeedaan iyo ciidamada ay kala hoggaamiyaan:*

1. *Farmaajo* *oo ah Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida* ahna ninka bixiyay amarka ah nolol iyo geeri mid hala iigu keeno labada Madaxweyne.

 

2. *Taliyaha Ciidanka Xooga Gen Odowaa* waa Abgaal waana ninka bixiyay amarka weerarka.

3. *Taliyaha NISA Fahad Yaasiin* waa qofka hoggaaminayay weerarka waa reer Owxasan.

4. *Taliye Xigeenka NISA Kulane (Jiis Mareexaan)* waa Mareexaan, waa ninka isku xiraya ciidamada weerarka soo qaaday, barta hoggaamintana joogay,.

5. *Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Biixi* waa Mareexaan. Wuxuu qaabilsanaa howl gelinta ciidankaan.






Post a Comment

0 Comments