Tan iyo billowgii 2017-kii markii uu xukunka la wareegay Maxamed Farmaajo
waxaa dhagaha Soomaalida hadba ay la kowsanayeen dhacdooyin cusub oo qaarkood
ugub ah marka sooyaalka siyaasadeed ee dalka dib loo eego.
Xasaradahaasi inta badan dowladda federaalk ayaa abuureysay waqti kasta
iyadoo aan taariikhdu maanta xusayn muddada afarta sano ah ee madaxweyne
Farmaajo uu joogay in aanay jirin hal bil ama badhkeed uu dalka xasilooni
siyaasadeed iyo mid amniba uu helay.
Xukunka Farmaajo oo xilli kasta abuuridda xasaradaha siyaasadeed sababteeda
lahaa, ayaa ku guul-dareystay wada-shaqeyn uu la yeesho dowladaha xubnaha ka
ah, taas beddalkeedana uu siiyay dagaal siyaasadeed oo qaarkood dhiig uu ku
daatay.
5- Dhiibistii halgamaa Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax ee Itoobiya
6- Doorashadii dhiigga uu ku daatay ee Baydhabo, Koofur Galbeed
7- Isku daygii dhicisoobay ee Kismaayo doorashadii ka qabsoontay
dabayaaqadii 2019-ka
8- Siyaasaddii jahwareerka ee lagu sameeyay taliyeyaasha ciidanka
(Burburintii NISA, Booliska iyo hay’ado kale oo ciidan), Ihaanadii
madaxweyneyaashii hore lagu la kacay iyo bahdilkii lagu eryay Raysal
wasaarihiisii Xasan Kheyre
9- Deeqaha Caalamka oo ay isku dayday DFS inay ka xanibto Somaliland
10- Loollanka aan aragtida caafimaad lahayn ee Kenya xidhiidhka ugu goysay
dowladda
11- Arrinta gobolka Gedo oo illaa maanta taagan.
12- Qaraxyadii isdaba-joogga ahaa ee dhacay 2017, 2018, 2019, 2020 oo uu
ugu weynaa weerarkii Zoobe oo noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee Afrika
13- Khaarajintii ENG Cabdiraxmaan Yariisoow, oo uga dhigan Muqdisho iyo
caalamka oo dhan taariikh aan la illaawaynin oo ah in duq magaalo xafiiskiisa
lagu dilo, noqotayna dhacdo bar madow ku ah Villa Somalia
14- Dhallinyaradii dowladdu u qaaday Eratariya, oo weli waalidkooda ay ka
walaacsan yihiin raq iyo ruux waxa ay ku sugan yihiin iyadoo dowladdu ay iska
indha-tirayso walwalka waalidiintaasi
30 sano in laga joogo berrigii uu dagaalka sokeeye ka billowday Muqdisho ee
uu gaadhay Soomaaliya oo dhan 26-01-1991-kii, sow ma odhan karno madaxweyne
Farmaajo iyo saaxiibadiisa maamulka kula jira in ay mar walba yihiin xaalad
abuuriyo khilaaf
joogta ah, islamarkaana dadka u sawiraya xaalado u eg billowga colaaddii uu
dalkani ku burburay.
Waxaan u arkaa dagaalka Gedo, in uu qeyb ka yahay dagaalkii sokeeye ee
Soomaaliya oo weli socda, miyaanay nasiib-darro ahayn in beelo Soomaaliyeed ay
ku diriraan magaalada Baladxaawo, maamulka Farmaajana uu ugu yeedho Jabhado
sidii 1991-kii oo dowladdii Soomaaliyeed ku burburtay iyadoo la heshiin kartay
shacabkeedii ay jabhadaha ugu yeedhaysay.
Farmaajo iyo kooxdiisa waaxaalad
abuurayaal ku dhisan khilaaf oo aynaan ahayn xal abuur ku dhisan xasilooni
siyaasadeed!!!
qirasho uu sameeyay Cabdisalaan Yuusuf Guuleed, ku-xigeenkii hore ee
Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya, Jan. 18 in 370 askari oo
Soomaali ah ay ku dhinteen dagaalka ka socda gobolka Itoobiya ee Tigray. Madaxa
guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday
madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” in uu baaritaan
ku sameeyo arrintan isla markaana uu caddeeyo halka ay ku sugan yihiin
ciidammadii Soomaaliya ee loo diray dalka Ereteriya si loo dajiyo
Eedeyn caan ah oo loo soo jeediyay Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya ee la
dagaalanka socdaalka sharci darada iyo tahriibinta dadka, oo ku saabsan
aamusnaanta ay ka qabaan dambiyada madaxweynaha
Ka mid noqoshada Soomaaliya ee dalalka ugu sareeya liiska tahriibinta dadka
Shacabka somaliyeed waxa eey dalbanayaa in la caddeeyo joogitaanka
ciidamada Soomaaliya ee Ereteriya ama guud ahaan dibadda
0 Comments