Farmaajo oo fuliya qorshaha Fahd Yaasiin


 A C-WARAR

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu saxiixay Xeer uu ku meelmarinayo go’aankii Golaha Shacabka BFS uu 27.06.2020 ku ansixiyey 13ka xubnood ee matalaadda bulshada G. Banaadir, gaar ahaan tan deegaanku, ay ku yeelanayso Aqalka Sare ee BFS 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa ku doodaya in madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay dejinta hanaankii loo soo dooran lahaa 329-xubnood ee uu ka koobnaa baarlamaankii hore, balse uu hadda ku soo daray kuwo hor leh oo aan dastuurka waafaqsaneyn iyadoo ujeedku yahay in xiisad cusub laga dhex abuuro qabaa’ilka si uu waqtiga usii dheereysto oo Fahd Yaasiin ugu sii hayo booskiisa.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay sidii loo dooran lahaa 329 kursi oo heshiis lagu yahay dastuurkana ku dhigan. Wuxuu maanta soo tuuray 13 kursi oo aysan caddayn cida qaybinaysa, sida loo qaybinayo iyo yaa dooranaya

Fahad Yaasiin wuxuu go'aamiyaa go'aanadii Farmaajo ee xaalada Soomaaliya sii xumeyn lahaa farmaajo wuu adeecaa qorshe kasta oo xukunka kusii haya, xitaa haddii qiimuhu yahay burburka dowladnimada.

Tallaabada uu qaaday madaxweyne Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo dood xooggan ay ka taagan doorashada dalka, waxaana suurta gal in arrintan ay sii kordhiso muranka doorashada, maadaama Puntland iyo Jubaland ay horey u diideen in gobolka Banaadir uu helo matalaad.

Post a Comment

0 Comments