Fahd Yaasiin oo amraya in ciidamo hubeysan oo qarsoodi ah lagu daadiyo magaalooyin Soomaaliya

 


A C-WARAR

Farmaajo iyo Maska Soomaaliyeed Fahd Yaasiin waxay dejiyeen naqshad dagaal dhan walba ah looga soo horjeedo mucaaradka Soomaaliya Way cadahay in sirdoonka soomaaliya ay uqaadayaan dagaalka dowlada itoobiya ay kula jirto gobolka Tigray qaab ay iyagu raaci karaan mucaaradka somalia.

Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa ciidankan ugu talagalay waxay ugu yeereen Difaca ” Difaaca Shacabka”,kuwaas oo mudo ku soo tababaranayay dalka Eriteria

Fahad yasiin iyo farmaajo Kadib markay ku fashilmeen hubkii sharci darada ay kusoo galinayeen dalka ayay bilaabeen been abuur iyo inay dusha ka saaran mucaaradka si ay isaga duwaan eedeeymaha iyo masiibooyinka ay samaynayaan. 

Waxaanu Maska somaliya ee fahad yaasiin ku faafiyay goobaha mucaradka farmaajo daganyihiin ciidamo iyo kooxo hubaysan si uu u xakameeyo waana talaabo muujinaysa kali talisnimo oo sharci darro ah.

 Mudooyinkaan danbe ayaa waxaa lagu arkaaye muqdisho Ciidamo dharcad oo lagu soo tababaray dalka Eriteria dibna loogu soo celiyay magaalada Muqdisho ayaa lagu daadiyay xaafadaha magaalada Muqdisho ciidamadan dharcadka oo ku hubeysan bastoolad ayaa xaafadaha ka bilaabay howlgal aan loo aayin oo durba dhiig ku daaday,waxayna iska dhac ka dhex bilowdeen ciidankaas iyo kuwa Militariga Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments