shacabka mar dambe kuma kalsoona balanqaadyada beenta ah ee Farmaajo.

 


A C-WARAR

Tan ilaayo uu  xilka qabtay madaxwayne farmaajo wuxu balanqaadayay inuu waxqabadyo kala duwan u samaynayo dalka iyo dadka somaliyeed laakin ilaa hadda 

ayaan laga hayn waxtar u qalma afartii sano ee uu xilka hayay dhibatoyin iyo khilaafyo siyaasadeed oo uuabuuray mooye.

Dibad baxyada ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa kasii daray, ayada oo ay korortay carrada ayaa waxa hadda u muuqataa inay ku wajahan 

tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la arkayey dibad-baxayaal ku sugan Barta wareegsan  ee degmada Shingaani, oo soo ridaya sawirka Madaxweyne Farmaajo ee halkaas ku dheggan 

Isku dayga Farmaajo ee ah inuu kasbado shacabka si uu u helo codad dheeri ah ayaa u cadaatay dhamaan kooxaha dadka mana ku guuleysan doono xitaa inuu ilaaliyo 

codadka taageerayaashiisa, isagoo og suurtagalnimada guushiisa balanqaadyada Faramaajo waa kuwo aan lasoo koobi karin, mana uusan fulin midkood, tusaalaha 

waxaa u ah inuu balanqaaday inuu ka saari doono dhamaan ciidamada amisom iyo alshabab dalka  2sano oo kaliya laakiin ilaa maalintii ugu dambeysay ee xukunkiisa uu wali ka codsanayo ciidamada Mareykanka inaysan dalka ka bixin

Dadku mar dambe kuma kalsoona balanqaadyada beenta ah ee Farmaajo had iyo jeer wuxuu ugu hanjabayaa Al-Shabaab in ay ciidamada tilaabooyin go'aan qaadasho leh laakiin ilaa iyo hada waxbaba muu qaban.

Post a Comment

0 Comments