Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin kale oo ka digay musuqmasuqa uu wado farmajo



 A C-WARAR

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in madaxda dowladda federaalku 

ay weli dhegaha ka fureysanayaan baaqa iyo rabitaanka mas’uuliyiinta gobollada waqooyi ee ku aadan hanaanka loo marayo doorashada xildhibaanada ku metelaya baarlanmaanka afarta sano ee soo socoto 

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu dhaleeceeyey in xukuumaddu ay ku sii dhiirantahay tababaridda guddi aan sharci lagu soo magacaabin, isla markaana la doonayo in doorashada lagu boobo

Guddoomiyaha Aqalka Sare, siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka beelaha gobollada waqooyi, waxay aad uga xunyihiin, in hoggaanka sare ee dalka iska indha tirayo ilaalinta sharciga iyo hanaanka lagu heshiiyey ee loo dejiyey doorashada dalka

Waxaa nasiib darro ah in xukuumaddu weli ku adkeysaneyso oo ay tababareyso guddi sharci darro ah, iyadoo u jeedku yahay inay qabtaan doorasho ku saleysan boob 

iyo musuq maasuq,” ayaa lagu yiri warkan oo ka soo baxay xubnaha DF ku metelaya Somaliland oo uu ugu horeeyo guddoomiye Cabdi Xaashi

dawlada farmajo waxa eey dooneeysaa oo kaliyah in eey kursiga ku sii fadhiso ayadoon u aabo yeeleen hadii uu dalka galo dagaal sokeeye 

farmajo waa in laga qabtaa dalka hadii kale mugdi ayuu gali doonaa hadalka maantay ka soo baxay cabdi xaashi waa mid sax ah eeyna tahay in laga dig toonaado musuqmasuqa uu wado farmajo iyo fahad yasiin



Post a Comment

0 Comments