farmajo iyo fahad yasiin ayaa sabab u ah wax ka socdo gobolka hiiran

 


A C -WARAR

Waxaan horay ugu baaqnay in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka Hir-Shabeelle, laakiin hoggaanka Dowladda Federaalka dhagaha ayuu taladaas ka fureystay. 

Kacdoonka shacabka ee Hiiraan ka taagan waa natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii la iska indhatiray. Waxey kaloo tusaale horu dhac ah u tahay mugdiga kusoo wajahan dalkeenna. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgararka 

Hir-Shabeelle in aan dhamaanteen si masuuliyad leh isaga xil saarno xal u helidda mushkiladda Gobolka Hiiraan ka taagan, lagana fogaado ficil kasta oo dabka bansiin ku shubaya.

Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan.

Shacabka Soomaaliyeed waa in uu meel uga soo wada jeestaa sidii looga hortegi lahaa fidnada maamulka muddada yar u hartay ee Madaxweyne Farmaajo.

 farmajo iyo fahad yasiin wexeey rabaan in uu dalku ku jiro jah wareer si eey kursiga ugu sii fadhiyaan ama uu galo dagaal sukeeye wax eey u aabo yeelaayaan majirto waa in laga qabtaa umada eey rabaan in eey huriyaan

Post a Comment

0 Comments