Dowlada Farmaajo waxay ku fashilantay in doorashada waqtigeeda ku qabsoonto

 


 A C-WARAR

Waxaa fashil ku yimid jadwalkii doorashada ee ku heshiiyeen dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kadib khilaaf xoogan oo ka dhashay guddiyada doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Jadwalkii horey loogu heshiiyay ayaa dhigayay in 1-da bisha December dowlad goboleedyada dalka ka bilaabaneyso doorashada Xildhibaanada aqalka sare, balse taasi ma dhicin maanta, lamana oga wali xiliga ay bilaaban doonto doorashadaasi.

farmjo ma doonaayo in uu qabto doorasho sax ah sidaas darteeda ayuu u carqaldeenaaya si uu u helo mudo kurdhin ama uu hub sado sidi asaga lagu soo dooran lahaay marlabaad  shacabka somaliya in taan kabadan uma dul qaadan karaan waxa uu wadho farmajo

Fashilka ku yimid jadwalkii doorashada ee horey loogu heshiiyay ayaa sabab looga dhigay khilaafka hareeyay magacaabista guddiyada doorashada iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo wali diidan in ay soo dhameestiraan guddiyada doorashada.

Hogaamiyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale ka biyo diidan in doorashada dalka maamulaam guddiyada doorashada ee hada magacaaban kuwaa ay sheegeen in ay u badan yihiin taageerayaasha Farmaajo iyo saraakiil Nabad sugid ah.

Doorashada Soomaaliya oo horey loo qorsheeyay in lasoo gaba gabeeyo 8-da Febraayo ee sanadka 2021-ka ayaa u muuqata mid kadib dhici doonto xiligii lagu balamay,

Taasi ayaa ah mida eey dooneeyso dawlada farmajo 




Post a Comment

0 Comments