dibad baxyadii ka dhacay shaley Muqdisho oo ciidanka NISA rasaas u adeegsadey shacabk oo u badanaay hawey iyo caruur

 


A C-WARAR 

Shalay, Jimce, waddooyinka Muqdisho waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday dib u dhigista doorashooyinka Soomaaliya, laakiin in kasta oo ay si nabad ah ku yimaadeen, waxay la kulmeen.  rasaas, iyada oo xabsiga loo taxaabay wariyeyaal duubay banaanbaxaas

Banaanbaxan oo ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan isgoyska Banaadir ayaa waxa dadweynihii banaanbaxayay rasaas ku furay Nin hubeysan oo dhar cad ah, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsan yahay ciidamada dowladda.

Tallaabadan ayaa waxa si kulul uga hadlay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka, iyagoo ku tilmaamay in eey tahay  wax laga xumaado  in la beegsado shacab banaanbax dhigaya.

 Farmaajo iyo Taliyihii Nabadsugida waxay magaalada ku soo daayeen rag hubaysan oo dharcad ah oo jidka u taagan caburrinta shacabka

Maaha markii u horeysay ee ciidamada amaanka ay rasaas u adeegsadaan dadweyne dhigaya banaanbax, hase yeeshe waxa ku cusub in ciidamo dhar cad oo hubeysan loo adeegsado banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda iyo Farmaajo ee wada musuqmaasuqa ah

Farmaajo waxa uu  lumiyay wax walibo oo caqli gal ah  uu kula tacaali lahaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna kaliya dan ka leeyahay kursigiisa, oo uu ku wasaqeeye  ficiladiisa aadka u foosha xun 

 



Post a Comment

0 Comments