cabdullqadir Muxumed Nuur waa ninka Turkiga u fadhiyo Soomaaliyeed


 A C-WARAR

Wasiirka  Caadaaladda  Somaliya  cabdullqadir Muxumed  Nuur  ayaa booqday Dalka Turkiga  taas oo aan ahayn mid  qarsoodiya in uu Xiriir dhaw  la leeyahay Dalka Turkiga  isaga oo ku soo qaatay waxbarashada heerka koobaad jaamacada Ankara ee caasimada Dalka Turkiga  sidoo kale Nuur waxa uu kaso Shaqeeyay  Diblomaasiyadda Somaliya ee Safaarada  ku taal Ankara

Qatar turkiga waxay bedeleen qorshihii hore ee ay maalmaha ugu danbeeya ay doorashooyinka dalkeena ka dhaca boorso lacag ku keeni jireen Waxay haatan wadaa qorshe cusub, isla markaana duug ah oo ay ku doonayso in ay doorashooyinka 2020/21 ku taageerto mid ka mid ah madaxda Villa Somalia. Dawlad Goboleedkii taageerta

 qorshahaas waxay u fidanaysaa taageero dhaqaale oo toos ah halka tii ka hortimaadana ay dagaal toos ah la gelayaan Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiyiinta damaca ka leh loolanka doorashada 2020/21 in meel looga soo wada jeesto qaska iyo fara gelinta  ay dawlada Qatar iyo turkiga ka ka wado dalkeena Wasiirka cadaaladda Soomaaliya c\qaadir Maxamed ayaa booqday dalka

Dhamaan siyaasiyiinta somaliya waxay booqdaan dalalka Turkiya iyo Qadar waana musiibada ilaa hadda ka suuli la`dalkeena somaliya Nidaam kasta oo wata musuq, dhibatoyin,iyo khilaaf siyaasadeedba waxa laga soo abaabulaa labadaa dal ee sanadadii dhawayd faragalinta cad ku hayay dalkeena somaliya.

Turkiya waxay umuujisaa Somaliya garab iyo saxiib sayaasaded laakin xaqiiqda ayaa ah inuu qorsheheedu yahay xakamaynta sayasada somaliya iyo dhicida hantida umada somaliyeed.

 

Post a Comment

0 Comments