cabdiShakuur Farmaajo waxaa uu RW Rooble ku qasbayaa in uu Jubbaland u aqoonsado deegan cadow

 


A C-WARAR

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Madaxweyne farmaajo ku eedeeyay in uu cadaadis xooggan ku hayo Ra’iisul Warsaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa uu sheegay CC Shakuur in Farmaajo uu wado qorshe RW Rooble Cadaadis lagu saarayo, kaasi oo ah Rooble  in uu Jubbaland u aqoonsado deegan cadow heysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xoreeynayo.

Waxaa uu intaas ku daray C/raxmaan C/shakuur Warsame in Rw Rooble uu arrintaas uusan ku dhaqaaqin, isagoo sheegay in ay tahay qar iska Tuurnimo siyaasadeed.

“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Madaxweyne Farmaajo uu ku cadaadinayo Reysalwasaare Rooble  in uu Jubbaland u aqoonsado deegan cadow heysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xoreeynayo. Haddii uu sidaas yeelo waa qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed, waxaana ugu baaqayaa RW Rooble in uusan taladaas yeelin” ayuu yiri Siyaasi  C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xiriirka u dhexeeya Maamulka Jubbaland iyo Dowladda fereraalka Soomaaliya ayaa haatan u muuqda in uu sii xumaanayo, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay horay Ciidan ugu daabushay Gobolka Ged

farmajo waxa uu rabaa in uu jubbaland ka huriyo dagaal

Post a Comment

0 Comments