Xasan Sheekh oo weerar Afkaa ku qaaday Fahad Yasiin

 


A C-WARAR

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa eedeymo culus u jeediyey Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa uu sheegay in Fahad Yaasiin uu ka shaqeynayo dumin Siyaasadeed, taasina aan laga aqbali doonin.

“Fahad Yaasiin oo la sheego inuu yahay mikiilaha dowladda wuxuu markii hore dumiyay, Madaxtooyada, Ciidanka NISA, kadibna waxaa uu ku kor dumiyay Ciidanka Booliska, haatana waxaa uu qorsheynayaa dumin siyaasadeed, kamana aqbalayno” ayuu yiri Xassan Shiikh oo ka hadlayey barnaamij dood wadaag ah oo caawa ka baxay mid ka mid ah telefishinada Soomaalida

“guddiga doorashada ee la magacaabay ma waafaqsan dastuurka dalka u yaala askarna ma noqon karaan guddi doorasho, waxaan kaloo lee yahay wiilasha iyo gabdhaha kujira guddiga doorashada yaan la idin qaldan oo la idin adeegsan wax aan waafaqsaneen sharciga dalka uyaalla.

Xasan ayaa sidoo kale sheegay in uusan waligiis dagaal ku baaqin haddana uusan ku talineyn.

Waxaase uu yiri “haddii aad aragto muwaaddin dagaallamaya waa lagu qasbay waxaana ku qasbay cidda talada heysa

Mar uu ka hadlayey shirka maanta u furmay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayuu sheegay in looga hadlayo xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashada.

“Waxyaabaha shirka musharaxiinta diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah in dalka dalka la badbaadiyo oo aanan la dumin” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuuud.


Post a Comment

0 Comments