Dacwad Xasaasi ah oo laga gudbiyey Madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Rooble


 A C-WARAR

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa qoraal culus u qoray Beesha Calaamka, kaasoo lagu eedeeyay madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo Agaasimaha NISA Fahad yaasiin Xaaji inay musuqmaasuqeen xubnaha doorashada ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee SomalilanD 

Qoraalka oo ku socday Wakiilada Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Midowga Afrika Francisco Madiera ayaa sidoo kale la ogeysiiyey safiirada Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana si weyn loogu faahfaahiyey sida ay madaxda dowladda Federaalka u boobeen oo sharci darro ugu magacaabeen guddigii Doorashada ee kasoo jeeday Somaliland, isagoo ka digay in wiixii ka dhasha arrintan 

ay qaadayaan saddexda mas’uul. Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa qoraalkiisa ugu baaqay xafiisyada uu qoraalkiisa ku socday inayu soo farageliyaan arintan oo ay badbaadiyaan xornimada Doorashada oo la doonayo in la musuqmaasuqo






Post a Comment

0 Comments