Faahfaahinta weerar ay Shabaab ka geysteen duleedka Kismaayo


Mas'uuliyinta Soomaalida ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa AC u sheegay in ilaa afar askari oo Soomaali ah ay ku dhinteen weerar ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen degaanka Janaa Cabdalle.

Baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey saldhigga, inkastoo ciidamada ay rasaas rideen ayna isku dayeen inay qarxiyaan.

Dhinaca kale, milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in askari Maraykan ah maanta lagu dhaawacay weerar ka dhacay degaanka Janaa Cabdalle.

Gaashaanle sare Christopher Karns oo u hadlay ciidamada milatariga Afrika ayaa AC Somali u sheegay in weerarkaas uu dhacay xilli ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ay ku jireen hawlgal ahaa talosiin iyo taageero, waxaana weerarka ay Al-Shabaab u adeegsadeen ayuu sheegay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo hoobiye.

Christopher Karns waxa uu sheegay in askarigaas xaaladdiisu ay deggan tahay, lana daweynayo dhaawaca soo gaarayna aanu ahayn mid halis ku ah naftiisa.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay weerarkaas.

Deegaanka Janaa Cabdalle ayaa Al-Shabaab u ah degaan ay ku qaadeaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan baabuurta ganavsiga ee isku xira Soomaaliya iyo Kenya. Inay degaankaas waayaan waxay u tahay dib u dhac weyn ii dhinaca dhaqaalaha ah, sidaasi waxaa AC u sheegay mas'uul ka tirsan maamul goboleedka Jubbaland.

Warkii ugu dambeeyay ee dhacdooyinkan, waxa soo direy A C

Post a Comment

0 Comments