Al-Shabaab oo saakay la wareegay deegaan ka tirsan G/Galgaduud

 A C


-Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay saakay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Cadakibir oo 60-KM u jira magaalada Cadaado.

Deegaankan ayaa dhanka bari uga beegan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana saakay gudaha u galay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Deegaanka Cadakibir ayaan markii hore laheyn wax maamul ah, waxayna Al-Shabaab ka sameysteen fariisimo.

Al-Shabaab ayaa waayihii dambe dhaq-dhaqaaq ka waday deegaanada ay ka joogaan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug, waxayna dadka deegaanka maalmihii lasoo dhaafay kula dagaalayeen koonfurta gobolka Mudug.

Dagaal maalin ka hor Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ku dhex maray deegaan lagu magacaabo Shabeelow oo u dhaw deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa galaaftay nolosha in ka badan 10-qof oo dadka deegaanka u badnaa.

Post a Comment

0 Comments