Qoys ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa u dhashay
Qoys ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa u dhashay wiil ka beermay ugxanta haweeney iyo manida ninkeeda oo lagu qaboojiyay baraf in ka badan 30 sano taasoo taariikh cusub ka dhigtay caalamka Lindsey, 35, iyo Tim Pierce, 34, ayaa soo dhaweeyay wiilkooda, Thaddeus Daniel Pierce, Sabtidii. Pierce ayaa u sheegay MIT Technology Review in qoyskiisu ay dhacdada la barbar dhigeen "wax ka baxsan filashada sayniska
Marka la isku daro manida iyo ugxanta
Marka la isku daro manida iyo ugxanta ayaa waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa (embryo) waxaa kaddib lagu keydiyaa sheybaar in muddo ah illaa ay ka gaarto heer lagu beeri karo minka haweeney waxaa la rumeysan yahay in tani ay rikoor cusub u tahay muddada ugu dheer ee ugxanta la keydiyo kaddibna ay ka dhashaan caruur. Rikoorkii hore waxaa haystay mataano dhashay 2022 ka kuwaas oo ugxantooda la qaboojiyay 1992kii
Pierce iyo lamaantiisa ayaa isku dayay in ay ilmo
Pierce iyo lamaantiisa ayaa isku dayay in ay ilmo dhalaan muddo toddobo sano ah iyaga oo aan ku guuleysan ka hor inta aysan go'aansanin inay korsadaan Linda Archerd, 62, ugxan oo laga abuuray ukunta iyo shahwada ninkeedii hore 1994, uurka waxaa lagu bacrimiyay hab loo yaqaan 'In Vitro Fertilisation (IVF) waqtigaas, Ms Archerd waxay abuurtay afar ugxan. Mid ka mid ah waxay ka qayb qaadatay dhalashada gabadheeda, oo hadda jirta afar jir, saddexdii soo harayna waa la keydiyay oo wxaa la galiyay qaboojiyey
In kasta oo ay kala tageen ninkeeda, ma aysan rabin in uurkooda barafoobay la baabi'iyo, lagu deeqo cilmi-baaris, ama la siiyo qoys aan la garanayn waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in uu ku lug yeesho canugga, maaddaama ay qaraabo la noqonayo inantiisa curad Ms. Archerd waxa ay bixin jirtay kumanaan kun oo dollar sanadkii si ay u kaydiso ugxantan uurjiifka ilaa ay ka heshay urur caruurta korsada oo arrimaha masiixiyinta ka shaqeya oo lagu magacaabo Nightlight Christian Adoptions, kaas oo maamula barnaamij loo yaqaano Snowflakes
Inta badan ururadani waxay u arkaan barnaamijyadooda inay yihiin kuwo nolol badbaadinaya qorshaha ay isticmaashay Ms Archerd ayaa u oggolaanaya deeq bixiyayaasha inay doortaan lamaanaha, taasoo la micno ah inay xisaabta ku darsan karaan diintooda, isirkooda iyo asalkooda qaran Ms. Archerd waxay door bidday lamaanayaasha Masiixiyiinta ah ee Caucasian iyo Hindi (Hindiya) ee ku nool Maraykanka, maaddaama aysan rabin qof "dibadda ka yimid", sida ay u sheegtay MIT Technology
Ugu dambayntii wuxuu u hoggaansamay rabitaanka Pierce iyo saaxiibtiis rugta Rejoice Fertility IVF ee ku taal Tennessee, halkaas oo lammaanaha lagu sameeyay qalliinka, ayaa sheegay in ujeeddadeedu ahayd in la beddelo ugxan kasta oo macquul ah oo la helo, iyada oo aan loo eegin da' ama xaalad Ms Pierce ayaa sheegtay in iyada iyo ninkeeda aysan wax niyad ah u haynin "in ay jebiyaan wax rikoor ah", balse "waxa ay rabeen kaliya in ay ilmo dhasho
Ms. Archerd ayaa u sheegtay MIT Technology in aysan wali la kulmin canugga shaqsi ahaan, balse ay durba dareentay in ay u eg tahay gabadheeda dhacdada ilamahan ku dhashay dalka Mareykanka ee muddada 30 sano ah lagu qaboojiyay baraf in ka badan 30 sano ayaa ah mid aysan seynisyahannada wali soo bandhigin oo lama filaan ah

0 Comments