Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la kulmay Ururada Siyaasadda ee isku diiwaangeliyay Doorashada

Madaxweyne Xasan Sheekh


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta aqalka madaxtooyada kulan wadatashi ah kula qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka

Qoraal laga soo saaray Kulanka Madaxweynaha

Qoraal laga soo saaray Kulanka Madaxweynaha iyo Ururada dhex maray ayaa lagu sheegay in Kulankan diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan

Dhinaca kale, hoggaanka ururrada siyaasadeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah

Shacabka Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haaya sida uu Madaxweynaha Soomaaliya uu miiska wada hadalka iyo gogoshii uu ku baaqay u keeni lahaa xubnaha Mucaaradka Dowladda oo iyagu si weyn u dhaliilsan nidaamka hadda ay dowladda wax kuwado oo ay ugu horeeyaan dagaalka Al-shabaab iyo Doorashooyinka dalka

Post a Comment

0 Comments