Puntland oo xaqiiisay inay soo iibsatay diyaarado dagaal oo ay u isticmaalayso howlgallada Daacish

WARARKA

Afhayeenka howlgalka la dagaalanka Daacish ee Hillaac

Afhayeenka howlgalka la dagaalanka Daacish ee Hillaac, Gen. Maxamuud Axmed Faadhigo ayaa xaqiiiyay inay Puntland soo iibsatay 4 diyaaradood oo nuuca dagaalka ah oo ay ugu talo gashay in ay ka qeyb galaan howlgallada lagula dagaalamayo Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad

Afhayeenka howlgalka Hillaac oo la hadlayay

Afhayeenka howlgalka Hillaac oo la hadlayay warbaahinta gudaha, ayaa u sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay tayaynta ciidamada Puntand, isagoo intaas ku daray in diyaaradahani ay ka qeyb qaadan doonaan duqaynta iyo sahanka ciidamada inkastoo uu afhayeenku diiday inuu sheego halka ay Puntland kasoo iibsatay diyaaradahan

Haddana wuxuu tilmaamay inay yihiin diyaarado tayo leh

Haddana wuxuu tilmaamay inay yihiin diyaarado tayo leh oo ay Puntland kusoo iibsatay lacagteeda. Wuxuu sidoo kale beeniyay in dowlado ay ku caawiyeen faadhigo wuxuu sheegay diyaaradahan inay ciidamada ka caawinayaan inay ku gaaraan meelaha aysan gaadiidku geli Karin

Taasoo uu sheegay inay ahayd caqabad ugu weyn oo ciidamada ka haysata inay gaaraan meelaha firxadka Daacish waxa uu sheegay in diyaaradahan ay qeyb ka ahaan doonaan bilowga wajiga afaraad ee howlgalka Hillaac oo uu dhawaan madaxweyne Deni ku dhawaaqi doono

Wuxuu  intaas ku daray in ciidamo Puntland ka tirsan loo tababarayo isticmaalkooda si kastaba ha ahaatee, Diyaaradahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Puntland hakisay howlgalkii Daacish, iyadoo ciidamadu ay awoodi waayeen inay Daacish ka sifeeyaan togga Miiraale

Post a Comment

0 Comments