Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab oo weerar qorsheeysan ku qaaday saldhig Al shabaab ay ku lahaayeen Jubadda Hoose

Ciidamada Jubbaland

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose

 Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa kusoo waramaya in Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kumaandooska Danab ay si wadajir ah u qaadeen howlgal qorsheeysan oo ka dhan ahaa Kooxda Al shabaab ee kusugan Gobolka Jubbada Hoose

Wararka ayaa intaa ku daraya in howlgalka

Wararka ayaa intaa ku daraya in howlgalka ay ciidamadaan huwanta ah ay qaadeen aroornimadii maanta oo Arbaca ah waxaana laga dul tagay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab iyo horjoogayaal sarsare, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalkan

Warbaahinta Jubaland ayaa shaaca ka qaaday

Warbaahinta Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada oo ku baxay xog sugan oo ay hayeen ayaa weeraray godad ay kooxda Al shabaab ku dhuumanayeen, kuwaas oo ku yaalla deegaanka Yaaq-Dabayleel ee gobolka Jubada Hoose, halkaas oo kooxda Al-Shabaab saldhig ku lahayd

Sidoo kale, ciidamada ayaa weerarro kale ka fuliyey meelo kale oo kooxda Al-Shabaab ay ku dhuumaalaysanayeen, kuwaas oo u dhexeeya deegaanada Orgiyow iyo Barjaale, Halkaas ayaa jab culus lagu gaarsiiyey kooxda, waxaana gacanta lagu dhigay Malayshiyaad ka tirsan Al shabaab iyo hub fara badan

Saraakiishaan ayaa tilmaamay in Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kumaandooska Danab ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah kooxda al shabaab, iyaga oo baacsanaya firxadka kooxda

Post a Comment

0 Comments