Ilaa iyo Afar Doonyood oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni.

Ciidamada jubaland

Ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland

 Ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay ciidamadan oo watay 4 doomood oo kuwa dheereeya ah ayaa dhanka xeebta ku yimid

Waxaana kadib soo dhaweyn u sameeyay saraakiisha dowladda

Waxaana kadib soo dhaweyn u sameeyay saraakiisha dowladda ee ku sugan halkaasi taliyaha hoggaaminayay ciidanka kasoo goostay Axmed Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay ku faraxsan yihiin inay kusoo biiraan dowladdooda

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha ay uga soo baxeen Jubbaland

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha ay uga soo baxeen Jubbaland, isaga oo tilmaamay in muddo dheer ay dhibaato tirsanaayeen, maantana ay garteen inay kasoo baxaan sababta keentay ciidankan iyo aniga oo xukuma ma ahan in dowladda aan number ka helno ma ah inaan dhaqaale helno

Waxaan halkan joognay 20 sano oo aysan jirin cid na caawineyso oo xagga badda naga taagan tahay, dhinaca kalena Al-Shabaab” ayuu yiri waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Deegaankan waxaa dhibaateeyay oo cunaqabateeyay waa argagixisada oo cid ka qabatana waayay”.

Horay waxaa sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa u muuqato mid ay dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay

Post a Comment

0 Comments