Waa kuma ninka horay uga shaqayn jiray Somalia ee la wareegay xilka u sarreeya ATMIS


Somalia iyo Atmis

Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS

Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS Janaraal Sam Kavuma ayaa si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, isaga oo sheegay in ay in la isku kaashadu sidii loo wiiqi lahaa ururka al Shabaab ee liddiga ku ah amniga Soomaaliya Kavuma oo magaalada Muqdisho soo gaaray Axaddii, ayaa waxa uu bogaadin u jeediyay dhamaan ciidamada ka kala yimid wadamada Afrika ee Soomalaiya u jooga hawlgalkaan, kuwaas oo ku guuleystay in ay al Shabab ka xoreeyaan meel badan, sidaas waxaa sheegay milatariga dalka Uganda

Taliyuhu wuxuu ku nuux nuux saday sida iskaashigu hoos ugu dhigay

Taliyuhu wuxuu ku nuux nuux saday sida iskaashigu hoos ugu dhigay awoodda ururka Shabab, Soomaaliyana uguhorseeday in ay horumar ka samayso arrintaan,” ayaa lagu yiri warka ay soosaareen Ciidamada Difaaca Dadka Uganda Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS ayaa waxa uu la wareegayaa talada xilli hawlgalka guud ee ATMIS uu taagan yahay heer gaban gabo ah, kaas oo horay loo qorsheeyay in ay ciidamada ay isaga baxaan Soomaaliya dhamaadka sanadkaan, in kasta oo dawladda Soomaaliya ay dhawaan ka codsatay Midowga Afrika in la tartiibiyo qorshaha bixitaanka ciidanka

Waxaan ku soo biirayaa kooxda anaga oo doonaya inaan hirgalino

Waxaan ku soo biirayaa kooxda anaga oo doonaya inaan hirgalino in hawlgalkaan loo badalo mid cusub marka la gaaro bisha December ee 2024 ta. Ka hogaamiyaha ATMIS ahaan waxaan aadi doonaa xeryaha miltariga ATMIS,” ayuu yiri Kavuma oo soo xigteen Milatariga Uganda kavuma ayaa waxa uu badalayaa Janaraal Sam Okiding oo ahaa hugaamiyaha ciidamada ATMIS tan iyo bishii May ee sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2023 da

Balse mar dambe ayaa waxaa loo magacaabay ku xigeenka Taliska ciidamada difaaca ee dalka Uganda bishii March ee sanadkaan aynu ku jirno ee 2024 Uganda ayaa waxay ka mid tahay wadamada ay ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, iyaga oo ku jira hawlgalka ATMIS ee horay loo oran jiray AMISOM, kaas oo ay qayb ka yihiin wadamada Burundi, Djibouti, Kenya, iyo Ethiopia, waxaana inta badan ka yimaada taliyaasha xukuma ciidamada qaybta ka ah hawlgalkaan.

ATMIS waxaa abuuray Midowga Afrika oo ay la jirtay dalwadda Soomaaliya, waxaana qorshuhu ahaa in ay nabad ilaalin u yimaadaan Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments