War cusub oo kasoo kordhay culimadii Ahlu-Sunna ee ay afduubteen Al-Shabaab

Ahlu-Sunna iyo Al-Shabaab

Mid kamid ah ehellada culimo ka tirsan Ahlu -Sunna

 Mid kamid ah ehellada culimo ka tirsan Ahlu -Sunna Waljamaaca oo Jimcihii lasoo dhaafay dagaalyahannada kooxda  Al-Shabaab ay ka afduubteen gudaha deegaanka Laantauuro ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa haatan xog cusub ka bixiyay, sida ay wax u dhaceen iyo dadaallada la sameeyay illaa iyo hadda ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Cabdi

Isla markaana wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye

Isla markaana wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in culimada la afduubtay oo xer ahaa ay ku dhow yihiin illaa 30 wadaad, isla markaana ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab Maxamed Faarax ayaa sheegay in dadkan ay weli ku jiraan gacanta Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in markii ugu war dambeysay la geeyay dhulka howdka ah ee Jilib Marko

Wiilal iyo akhayaar badan oo xer ah oo Laantabuuro Siyaaro u aaday ayaa la afduubtay, waana dad ku dhawaad 30 gaaraya, wax lasii daayay ma jiraan weli gacanta Al-Shabaab ay ku jiraan” ayuu yiri Maxamed Faarax Cabdi oo kamid ah ehellada dadkaasi sidoo kale wuxuu intaa sii raaciyay “Warkii ugu dambeeyay wuxuu sheegayaa in dadkaas la geeyay Jlib Marko, kadibna war lagama helin”.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in haatan ay socdaan dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka, isla markaana nabadoono ay aadeen dhanka Al-Shabaab, si loo soo daayo culimada Ahlu-Sunna ee ay afduubteen ee Al-Shabaab Maanta waxaa maqalnay in la diray nabadoono Shabaab xaggiisa inay jiraan waa la sheegay, si ay usoo daayaan dadka la afduubtay” ayuu markale yiri Maxamed Faarax Cabdi.

Xaalad jaho wareer ah ayey abuurtay arrintaan, waxaana laga cabsi qabaa in Shabaab ay laayaan culimadaan ka tirsan dariiqada Ahlu-Sunna, maadaama ay isku hayaan caqiido ahaan Iyadoo kooxda Al-Shabaab ay dil ugu xukuman tahay qof kasta oo aan ku aragti aheyn, hadana markii la eego culimada Ahlu-Sunna ayey ugu necebyihiin umadda, maadaama ay yihiin raggii markii ugu horeysay la dagaalay oo farta ku fiiqay fidnada ka soo socota Shabaab-ka

Post a Comment

0 Comments