Dowladda somalia oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Al-Shabaab-ka ku sugan Koonfur Galbeed

Dowladda somalia

Dowladda federaalka Soomaaliya

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Al-Shabaab-ka ku sugan Koonfur Galbeed, si looga xoreeyo deegaanada maamulkaasi oo ay haatan ku xoogan yihiin wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta dowladdu waxa ay u dirtay magaalada Baydhaba, halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay

Soo dhaweynta waxaa ka qayb qaatay taliyaha qaybta 60-aad

Soo dhaweynta waxaa ka qayb qaatay taliyaha qaybta 60-aad Janaraal Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhaba) iyo saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda halkaasi, waxaana ugu horreyntii uu salaan shafaf ka qaatay ciidamada Xoogga dalka, qaybtooda ku sugan magaalada Baydhaba

Ujeedka Taliyaha ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi

Ujeedka Taliyaha ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle uu u gaaray taliska qayb 60aad ayaa ah sidii loo sii xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah khaawaarijta ee ka socda deegaanada koofurgalbeed, isagoo saraakiisha taliska faray in loo dhimriyo shacabka ku nool deegaanada laga xoreeyey Khawarijta.

Taliye Dayax ayaa la filayaa inuu kormeero xeryaha ciidamada, sidoo kalena uu tego jiidaha hore ee dagaalka, si uu u dhiirogeliyo ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab qorshaha ugu wayn ee dowladda dhexe ayaa ahaa sidii loo bilaabi lahaa gulufka dagaalka ku wajahan Al-Shabaab ee gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool oo wajagii koowaad laga gaabiyay

Al-Shabaab ayaa saddexdan gobol ku xoogan, waxayna ka haystaan degmooyin waa wayn oo ay ku leeyihiin saldhigyo iyo xarumo muhiim ah si kastaba, wajigii koowaad ee dagaalka oo lagu bilaabay HirShabelle iyo Galmudug ayaa laga soo hooyay guullo waa wayn, waxaana lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran

Post a Comment

0 Comments