Kooxda alshabaab oo weerar culus ku qaaday xerada ATMIS ee duleedka Baraawe

 
Kooxda alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe ee Shabeelaha Hoose weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo degan xerada iyo xubnihii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday halkaasi

Qaar kamid ah dadka deegaanka

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hub culus oo ay is weydaarsadeen labada dhinac, inta uu socday dagaalka dhex maray ciidamada ATMIS ayaa lasoo wariyay in iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, waxaana ugu dambeyn dib u laabtay maleeshiyadii Al-Shabaab ee beegsatay saldhiggaasi

Kooxda oo war kasoo saartay dagaalkan

Kooxda oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay barahooda bulshada ku sheegtay inay weerartay saldhig ay leeyihiin ciidanka Uganda, ayna khasaare gaarsiisay, inkastoo aysan shaacin tiro rasmi ah dhankooda ciidamada ATMIS oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa dagaalka kadib howlgallo ay ku baacsanayaan ragga soo weeraray ka sameeyay aagga Baraawe

Xaalada ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca ATMIS iyo saraakiisha dowladda oo ku aadan dagaalkaas iyo howlgallada ciidamada Uganda ayaa marar badan weeraro kala kulmay Al-Shabaab, waxaana aad loo xasuustaa weerarki askarta badan looga dilay ee horraantii  2023-kii ka dhacay magaaalada Buulo-mareer

Post a Comment

0 Comments