Waa kuma Xamsa Cabdi Ra'iisul Wasaaraha Cusub: Dhaantada Dirgax iyo dowladda

 

Ra'iisul Wasaaraha



Haddii aad maalmihii lasoo dhaafay ilaa hadda baraha bulshada booqatay waxaa suuragal ah inaad aragtay ama ay dhagahaaga kusoo dhaceen dhaantooyin uu muusiga ku laran yahay oo sidoo kale lagu lifaaqay ciyaar dhaqameed wiilal iyo gabdho qaybsanayaan.

Tan iyo markii lasoo magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayay hadal haynta dhaantadu hawada isku shareertay, iyadoo loo sababaynayo in Ra'iisul Wasaaruhu uu ku yimid nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 , gaar ahaan beesha caanka ku ah ciyaaraha dhaantada, inkasta oo ay jiraan ciyaaro dhaqameed kale oo ay beeshaasi leedahay.

Waxaadse mooddaa in heesihii dhaantada oo idil ay isku fuuqsatay mid loo yaqaanno "Dirgax" oo lagaba yaabo inay dadka qaar u malaynayaan astaanta ugu wayn ee dhaantada.

Haddaba waxaan eegaynaa sababta ay ku timid Dhaantada Dirgax iyo waxa uu micnaheeda yahay. Ma waxaa jira qaab aan inta badan la ogayn oo isku xiri kara Dirgax iyo dowladda?

"Bashiir Dirgax", xilli aan kula kulannay magaalada Jigjiga sanadkii 2019-kii, ayuu uga hadlay waxa ay ku timid dhaanatadaas caanka ah iyo micnaha magaceeda.

Marka ugu horraysa waxa uu sharraxay waxa sababbay ama dhiirrigeliyay Dirgax.

"Heestaas waxay ku timid markii deegaanka umaddii Soomaaliyeed ee halkan joogtay ee ku noolayd ayaa waxay kala qaateen fikirro kala gaddisan oo kala fog. Marka dagaallo ayaga dhexdooda ah ama xaalado siyaasadeed oo ay isaga hor yimaaddeen aawadeed.

"Nabadda iyo dhibaatada jirta labadaba way taabanaysay, waxayna ka sheekeynaysaa raadinta dowladnimada," ayuu yiri Bashiir.

Abwaanka, ahna fannaanka ayaa sheegay in heestiisa uu qof walba sida uu doono u fasiran karo, una adeegsan karo, taasoo muujinaysa sida hadda ay dad badan fasax ugu tahay inay dhinac kasta u jeediyaan uheeddada.

"Bulshadu marka ay wax soo baxaan sida ay rabaan bay u fasirtaan, qofka hal abuurka uu ka yimidna micno ayuu ula jeedaa. Bari baa waxaa la igu yiri 'war dirgax waa maxay?' markaasaan u sheegay in qof walba uu siduu doono u qaato."

Bashiir oo ay dhaantadan gaarka magaciisa raacday ayaa sidoo kale sharraxay micnaha magaca "Dirgax".

"Dirgax macnaheeda dhabta ah ee xaqiiqada ah haddaan kuu sheego, Dirgax waa dowlad," ayuu yiri.

Haddaba haddii uu Bashiir micnaha Dirgax ula jeeday dowlad, sida uu sheegay, layaab malaha in ay dadka hadal haya xilligan kusoo boogeen waqti la sugayo dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Heesta Dirgax oo ka mid ah dhaantooyinka ugu caansan ayaa si wayn looga dhagaystaa deegaannada Soomaaliya, sidoo kalena waxaa adeegsada Soomaalida qurba joogta ah.

Xafladaha aroosyada iyo munaasabadaha kale ayaa si joogto ah loogu soo qaataa heestan oo ka tilmaaman dhaantooyinka kale.

Bashiir waxa uu ku dhashay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan magaalada Garbo ee gobolka Nogob.

 

Post a Comment

0 Comments