Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Farmaajo ayaa ah laba dhinac oo isku mid ah, isla markaana ah ragga Qadar

 

Xasan Cali kheyre doorashadiisa waa isbalaarinta Qatar ee Soomaaliya

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxweyn
e Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay dhisayaan musharrax Xasan Cali Khayre oo u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa dadaal badan ku bixinaysa taageeridda musharrax Xasan Cali Khayre kadib markii ay yaraatay rajada dib loogu dooran karo madaxweyne Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa aaminsan in uu mar kale mulkiile ka noqon doono dowladda cusub haddii Xasan Cali Khayre ku guulaysto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo waxay qorsheynayaan inay xukunka sii hayaan oo aan laga daba tagin dambiyadii ay ka galeen umada soomaaliyeed tijaabin ayeey taageeraan ninka saddexaad ee Qatar Xasan Cali Khayre oo ah musharaxa beddelka u ah Farmaajo ee madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee isku dayga ay Qatar ku dooneyso in Farmaajo lagu bedelo Xasan Cali Kheyre ayaa wali sii socda booqashooyin qarsoodi ah oo Kheyre iyo Fahad Yaasiin ay ku tageen Qatar si ay ugala hadlaan qorshaha doorashada Madaxweynaha kadib markii ay ku waayeen dhammaan xilalka doorashada Baarlamaanka.

Fahad ayaa lagu tilmaami jiray mulkiilaha dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ka hor intaan Ra’iisul wasaare Rooble awood-tirin.

Dhinaca kale weli ma cadda in madaxweyne Farmaajo mar kale u tartami doono xilka madaxweynaha xilli Villa Somalia ay raja xuma ka qaadday doorashadii guddoonka labada ee Baarlamanka dalka

Farmaajo iyo Khayre waxa ay noqdeen khaainul Wadan. Waxa ay Itoobiya u gacangaliyeen muwaadin Soomaaliyeed. Waxa ay ahaayeen munaafaqiin shacabka been u sheegay. rajadii shacabka iyo durbaankii nolosha caawa ayuu dumay. xilibaanada waa in dalkaa isbadal ku sameeyaan hugaankiisa. Hadii la soo doorto Khayre macnaheedu waxa ay tahay meeshiina kasiiwada kooxda Qatar 4sano iyo qaxar umada soomaaliyeey wey ku filantahay 5sano ay farmaajo

Post a Comment

0 Comments