Beesha Caalamka ayaa fariin deg deg ah u dirtay baarlamaanka Soomaaliya saacado ka hor doorashada madaxweynaha

doorashada


Wakiilada beeshacaalamka ee Soomaaliya ee daneeya arrimaheeda ayaa caawa soo saaray war murtiyeed muhiim ah oo ku saabsan doorashada madaxweynaha oo lagu wado inay dhacdo berri oo Axad ah iyagoo uga digey barlamaanka in ay doortaan farmaajo iyo khiyre kuna eedeeye danbiyo badan

War saxaafadeedka ayaa ku booriyay xildhibaanada Golaha Shacabka in ay doortaan musharaxa ay u arkaan in uu leeyahay tayada hogaamineed ee looga baahan yahay in uu horumariyo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

War-murtiyeedka ay beesha caalamka soo saartay saacado ka hor doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay baarlamaanka Soomaaliya iyo xubnahooda inay qaataan mas'uuliyadda dastuuriga ah si ay ugu adeegaan danaha dalkooda sida ugu wanaagsan.

Siyaasiyiinta iyo dadka u kuur gala arrimaha Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay hadalka kasoo yeeray beesha caalamka, waxayna carabka ku adkeeyeen in beesha caalamka ay si weyn ula socoto in Farmaajo uu ku guul darreystay doorashada,

islamarkaana uusan ku guuleysan doonin doorashada, isla markaana aysan beesha caalamka taageeri doonin in Farmaajo uu mar kale madaxweyne noqdo mar labaad. muddo xileed, gaar ahaan wixii ka dambeeyey fashilkii iyo musuq-maasuqii dhaqaale iyo maamul ee Soomaaliya ku habsatay muddadii uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo

Post a Comment

0 Comments