Sheikh Aadan Madoobe oo noqday Gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka BJF 11

Baarlamaanka oo dharbaxo daran ku dhuftey farmaajo kadib doorashadii xaley ee


Si rasmi ah ayaa waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ugu guuleystay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe kadib tartan uu la galay Xildhibaan Xasan Cabdinuur.

Rasaas loogu dabaal dagayo ayaa laga maqlay meelo kamid ah Muqdisho, waxaana xusid mudan in Sheekh Aadan Madoobe uu Guddoomiye Baarlamaan soo noqday dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha kaligiitaliyaha ee waqtigiisu dhamaaday Cabdullah Farmaajo ayaa ku guuldareystay inuu carqaladeeyo doorashada, Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa shalay guddoomiye cusub u doortay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, kadib doorasho ka dhacday xerada “Afseenka” ee ciidamada cirka Soomaaliya. ee Muqdisho.

Sheikh aadan madoobe oo horay usoo noqday gudoomiyaha golaha shacabka, ayaa sidoo kale ka tirsanaa xisbiga uu hogaamiyo sheikh shariif sheikh axmed

Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo afjareysa xaalad hubanti la’aan ah oo dalka uu ku jiray in ka badan sanad, waxayna ka dhigan tahay inay hadda dhisan yihiin labadii hay’ad ee sharci-dejinta islamarkaana ay leeyihiin guddoon.

Mucaaridka ama isbedel doonka ayaa sidoo kale guusha Aadan Madoobe siwayn ugu dabaal degaya.

Guusha Madoobe ayaa loo arkaa inay dhabar jab weyn ku tahay dadaalka ay wadaan Isbaheysiga Saddex geesoodka ah ee ka kooban Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Dastuuriga ah Farmaajo, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Fahad Yaasiin, kuwaasi oo dadaal dheer ugu jiray sidii ay u fashilin lahaayeen. doorashooyinka.

Shacabka Soomaaliyeed, Xisbiyada Mucaaradka ah, iyo Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa rumeysan in Madoobe uu yahay Musharax ay isku raacsan yihiin (275) Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa leh aragti siyaasadeed oo ka soo horjeeda aragtida Madaxweyne Farmaajo ee ku saleysan. in awood ciidan loo adeegsado kuwa kasoo horjeeda, xoriyada lagala wareego, khalkhalna ka abuuro, amniga iyo siyaasadda dalka.

Post a Comment

0 Comments