Midowga Afrika oo ku gacan saydhay Rooble iyo Go’aankii MD Farmaajo oo la Qaatay

 

Midowga Afrika oo cadeeye in ay farmaajo ku garab taagan yihiin qaskiisa

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa taas beddelkeeda sheegay inay qadanayaan go’aanka madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, sidaas darteedna uu sii joogayo.

Go’aanka Midowga Afrika ayaa dhabarjab siyaasadeed oo weyn ku ah ra’iisul wasaare Rooble Tan ayaa laga yaabaa in kalsooni badan uu ka helo Madaxweyne waqti xiliyeedkiisa dhamaadey qaswade Farmaajo iyadoo laga cabsi qabo dhoolatuskiisa maalinta 12-ka April todobaadkani uu inqilaab sameyn karo.

Ciidamo fara badan ayaa udiyaarsan Madaxweyne Farmaajo si baa la yiri ay awooda dalka uu usii joogo xilli doorasho gaba gaba ah dalka uu galay balse isaga lagu eedeeyey in doorasho uusan rabin inuu galo tartanka.

Talaadada isbuucaan ayaa waxay ku beegan tahay xuska 12-ka April islamarkaana 62 sano guurada kasoo wareegtay aas aaska ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed balse laga digayo in afgembi Villa Soomaaliya dooneyso.

Waxa la sugayaa war kasoo baxa Xafiiska R/wasaare Rooble oo looga fal celinayo tallaabada ay Midowga Africa qaadeen ee ay uga hor yimaadeen amarkii Xukuumada Dalka uga ceerisay F.Madiera.

Go’aanka Midowga Afrika ayaa caqabad ku noqon doonah  Soomaaliya si doorashada waqtigeeda lagu dhameeyo waxaana cadaatey in midowga afrika ay la maleegaayaan qorshaha farmaajo uu wato oo ah in uu dalka afgambi uu ku qabsado taasine ma dhicidoonto waxaan ku boorineynaa RW rooble in ay talaabo adag ka qaataan Go’aanka sida uugu dhaqsiyaha badan

 



Post a Comment

0 Comments