Lafta-gareen iyo farmajo oo ku hawlan sidhii ay u soo saaran lahaayeen guddoomiyaha golaha shacabka mid daacad u ah

 

xilibaanada waa in ay wax ku doortaan waayo arg nimo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafey  soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa durba billaabay ololaha doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, isaga oo calaameeyey musharaxa uu taageerayo.

Lafta-gareen iyo qaswade farmaajo  oo soo xulay dhammaan xildhibaanada Koonfur galbeed, ayaa xalay kulan laqaatey farmaajo

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan soo xiganay, madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyey inuu si buuxda u dhisayo xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ah nin dhallinyaro ah oo aad ugu dhow.

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday Xasan Eelaay iyo Aadan Saransoor inay tartanka ka haraan oo ay taageeraan Xasan Cabdinuur.

Xildhibaan Xasan Cabdinur ayaa la filayaa inuu musharaxnimadiisa si rasmi ah ugu shaaciyo xaflad caawa ka dhaceysa Hotel Decale ee Muqdisho, taasi oo lagu marti qaaday xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hadda doonaya inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanadii labada sano loo kordhiyey ee Farmaajo garab taagnaa, kana soo horjeeday masiirka Banaadir, waa inuusan mar dambe na matalin.

Xildhibaanada wax dooranaayo waa in ay wax ku doortaan cidii khibrad u leh hogaaminta dalka oo aysan ku dooran qabiil iyo musuqmaasunq waa in ay kataliyaan aayatiinka dalka iyo shacabka waxa loodhiibay waa mas uuliyad aad u ween waa in ay ka soo baxaan waajibka la saarey

Golaha Shacabku waa isha dhabta ah ee Dowladnimada soomaaliya. Hadii uusan helin hoggaan sax ah Qaranku waa indho-beel, sida darteed xildhibaannada waxaa hortaala iney dooran qof aan khibrad leheen sida Cismaan Dubbe oo kamid ah nidaamkii kali taliye farmaajo

Post a Comment

0 Comments