kaligii taliye Farmaajo oo amray dilka Gudoomiyaha KMG golaha shacabka weerarkii xaley dhacay

 

farmaajo iyo fahad oo go aansadey laynta xilibaanada

Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Liibaan (Dhaban cad) oo caawa warbaahinta la hadlay waxa uu soo bandhigay shirqool lagu dili rabay isaga iyo guddiyada doorashada inay ka bad baadeen.

Dhaban cad ayaa ku sheegay weerarkaasi mid ay soo abaabuleen saraakiil katirsan Booliska isagoo cod dheer ku sheegay in ay waxba ujoojin doonin oo howsha socon doonto.

Waxa uu sheegay gudoomiye dhaban cad in xarunta villa Hargeysa ay xabad ciidamo ku bur buriyeen qaboojiyihii ama mukeyfkii qabowga laga heli jiray.

Waxa uu eedeyn ujeediyey Taliyaha Booliska Soomaaliya General xijaar iyo kuxigeenkiisa,ayna caawa ka bad baadeen qorshe halis naftooda la geliyey oo hoteelkii ay ku jireen lagu rasaaseeyey weerarna lagu soo qaaday.

Cabdisalaan dhaban cad oo sii hadlayey ayaa sheegay in labada maalin ee soo socoto ay rajeynayaan in guddoon cusub golaha shacabka iyo kan aqalka sare lasoo doorto si marxaladaan adag dalka looga saaro.

Si kulul ayuu uweeraray xafiiska madaxweyne Farmaajo uu si maldahan usheegay in shirqooladaasi ay soo maleegayaan balse aysan iyagu ka daali doonin howlaha hor yaalla sidii loo qaban lahaa.

Weerarka lagu qaaday dhaarinta ayaa xadgudub bareer ah ku ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro doorashada la wada sugayo iyo isku day kale oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka, waxaana ku baaqaynaa in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdada. Waxaan u soo jeedinaynaa saaxiibada caalamka inay la socdaan sida ay wax u socdaan doorashooyinka iyo inay niyad jabiyaan dhammaan jilayaasha loo arko inay wax u dhimayaan hannaanka doorashada.

Post a Comment

0 Comments