farmaajo iyo fahad oo u adeegsade Al-shabaab in ay weerarto xarunta Villa Hargeysa xil halkaas ay kalfadhi kulahaayeen barlamaanka cusub

 

Khasaare ka dhashay Hoobiyeyaal lagu weeraray  xarunta Villa Hargeysa

Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Hargeysa oo ay shaley kulankoodii ugu horeeyay si wadajir ah ugu yeelanayeen labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen afaafka hore ee xarunta Villa Hargeysa, xili ay si toos ah u socotay dooda mudanayaasha labada Gole, waxaana la soo wariyay in dooda ay istaagay markii madafiicda ay kuso dhaceen meelaan ka fogeyn dhismaha xarunta Villa Hargeysa.

Waxaa sidoo kale lasoo shesgaya in ilaa laba ruux oo ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ay ku dhaawacmeen madaafiicda lagu garaacay xarunta Villa Hargeysa.

Dagaalyahanada Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday dhismaha xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay sheegeen in hoobiyeyaasha mid ka mid ah uu ku dhacay albaabka laga galo dhismaha, islamarkaana uu geystay khasaare walow aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda ah.

14-kii bishaan ayay aheyd markii Al-shabaab sidaan oo kale tiro madaafiic ah ay ku weerareen Teendhada Afisyooni oo ay ka socotay munaasabad lagu dhaarinaayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, walow aysan madafiicdaasi aysan ku dhicin gudaha xerada Afisyooni oo aysan geysan wax khasaare ah.

Sidhookale dadka siyaasada indho indheeya ay aaminsan yihiin in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay yehiin maskaxda Al-Shabaab, maadaama dhaq dhaqaaqyada xarakadu ay mar walba ku xiran yihiin danahooda.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa weli ku howlan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashada, si uu u helo shahaadadiisa xildhibaannimo, islamarkaana uu u buuxiyo kursiga madaxweyne ku xigeenka golaha baarlamaanka.

Sidhookale Wararka ayaa sheegaya in Khadiija Diri in ay ku soo bexeeyso Kursiga ku xigeenka madaxa baarlamaan oo uu rabey fahad ayaa ah mid lagu doonaayo fahad haduu fashilmo in ayada bedelkiisa farmaajo waxa uu u heystaa barlamaanka guri uu isaga dagan yahay oo cida uu rabo albaabka ka furaayo

 

 

Post a Comment

0 Comments