Beesha caalamka oo soo dhoweysay dhaarinta labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya amaan neh u soo jeedisey RW rooble

 

RW Rooble oo guul ka gaarey dhameestirka doorashooyinka

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Soomaaliya  (FIET) ayaa Fasaxay Kuraasta Kala ah Hop-103 iyo Hop 204 ee Deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed, waxaana labada kursi doonayey gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof. jawaari iyo wasiirka gaashaandhiga soomaaliya c.qaadir m nuur

Waxaa sido kale guddiga ay sheegeen in lagu celinayo doorashada kursiga tirsigiisu uu  yahay HOP 154.

Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed oo isku duuban oo go’aan midaysan  qaatay , islamarkaana    ay wada shaqayntii u jareen  xafiiska raysal wasaare rooble oo arimo siyaasadeed  u qabsaday kuraasta laga soo doortay koonfur galbeed.

Kursiga doorashadiisa lagu noqonayo a waxaa la filayaa inay  natiijadiisa aan waxba iska bedelin mar kale.

Dhinacakale Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay dhaarintii maanta ee xildhibaannada golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha dowladdu ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa

Beesha caalamka waxay sidoo kale si adag u cambaareeyeen Hoobiyaal al-Shabaab, ay ku garaaceen meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta labada aqal ee barlamaanka.

“Waxaan ku hanweynahay in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha. Waxaan ogsoonahay in ay jiraan kuraas baarlamaan oo aan la buuxin, waxaana fahamsanahay in xubnaha dhiman la  dhaarin karo oo ay ku soo biiri karaan geeddi-socodka, “ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay beesha caalamka.

Sidhookale Qoraal kasoo baxay Safarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yir"Waxaan soo dhaweyneynaa dhaarinta xildhibaanada cusub waxaana rajeyneynaa in xildhibaano dhiman ay ku soo biiraan baarlamaanka cusub. Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah oo nabad ah ku dhameeyaan tallaabooyinka ugu dambeeya ee hannaanka doorashada,sida doorashada baarlamaanka iyo Tan madaxweynaha.

waxa ay kaloo ka digtey isku dayga lagu doonaayo in RW Roobley shaqada looga joojiyo walaac ayeey ka muujisey arintaas waxa ayna kun taageertay dedaalka uu ugu jiro in la qabto doorasho lagu kalsoonaan karo



Post a Comment

0 Comments