Xukuumadda ROOBLE ayaa ansixisay miisaaniyad KMG xili uu dalka ku jiro marxalad adag

Golaha Xukuumadda Rooble

Qaramada Midoobey ayaa todobaadkan sheegtay in aysan wax lacag ah u heyn abaarta ka jirta Soomaaliya, xilli la filayey inay malaayiin dollar ku deeqdo gurmadka abaaraha.

Qaramada Midoobay ayaa sababta ku sheegtay inay tahay in caalamka iyo hey’adihii bixin jiray lacagaha ay ku mashquulsan yihiin dagaalka uu Ruushka kusoo qaaday Ukrain.

sidoo kale Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan in maal-gelinta Soomaaliya la jari dooni haddii Farmaajo sii waddo dib u dhigida doorashooyinka.

Doorashooyinka ayaa dib u dhacay in ka badan, waxaana 26-kii Febraayo ay Golaha Wadatashiga Qaran waqti cusub u qabteen dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtigaas oo ah 15-ka Maarso balse wakhtigaasna ay dib uga dhici doonto iyadoo weli Farmaajo wado qaska doorashada sida Garbahaarey iyo Beledwayne.

Siyaasad xumada Farmaajo dalka waxay gaadhsiisay in deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ayaa joojiyay taageeradii ay siin jireen somalia isagoo dalku ku jiro xaalad adag oo abaareed, siyaasadeed iyo dhaqaaleba.

Balse Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa  isku daydaysa inay dalka ka saarto saameynta siyaasadda xumada iyo kaligii talisnimada ee Farmaajo.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Rooble ayaa ansixiyay Miisaaniyada KMG ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, taasi oo uu u gudbiyay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Dawali Bayle.

Shir Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $206,474,223, taasi oo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

Miisaaniyadan KMG ah ee uu meel-mariyay Goluhu ayaa muhiim u ah sii socoshada howlaha dowladda, xili uu dalka ku jiro marxalad kala-guur ah iyo arrimaha doorashooyinka.

Raysal wasaare Rooble waxa ka goan inuu dalka samata bixiyo madamo uu ku jiro xaalad adag si taarikhda loogu xuso.

Post a Comment

0 Comments