beesha caalmka oo ku baaqdey in la dadajiyo doorashooyink

 

dhoorashooyinka


A C-WARAR

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa walaac looga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka dalka waxaana madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada loogu baaqay inay deg deg ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay inta aan la gaarin dhamaadka sanadkaan 2021-ka

cabsida beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka ayaa ka qabaan in mar kale dib u dhac ku yimaado doorashada ama Farmaajo uu awoodiisa u adeegsado doorashada wakiillo daacad u ah

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku baaqayaan in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021ka laakiin farmajo uusan dooneyn si doorasho xor iyo xalaal ah loo qabto waa in farmajo meesha laga saara si dalka ugu dhacdo doorasho xalal ah

Musharax Madaxweyne Dahir Geelle oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada dalka, Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay wajahayso Xaalad adag oo dhinaca Nolosha ah, wuxuuna tilmaamay in dalal badan oo Adduunka kamid ah oo ay Maciishadda Qaali Noqonayso.

“Waxaan aaminsanahay haddii siyaasad hagaagi lahayd in miiska ama saxanka qofka somaliga waxa usaaran wax kawanagsan loo saari lahaa,dagaalo sokeeye oo mararka qaar Dowladddu qayb katahay oo ciidamadda Dowladdda shacabkii ay ilaalin lahayeen gacantooda ay kubixi hayaan”

Arimaha amniga ayuu ka haldlay  wuxuuna nasiib darro ku  tilmaamay in dagaalo sokeeye ay qaybo kamid ah dalka ka dhacayaan, wuxuuna tilmaamay in muhiim tahay in Cadowga uu noqdo Alshabaab oo keli ah.

Daahir Geelle  Arimaha Doorashooyinka ayuu  is waydiiyey wuxuuna tilmaamay inaysan jirin cid sheegi karta xiliga ay doorashadu dhacayso,  “Dawladda Soomaaliya iyo Adduunka midna garan maayo xiliga  ay doorasho dhacayso”.

Sidoo kale  Daahir Geelle  ayaa ku eedeeyay farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada isaga daacada u ah inay mas’uul ka yihiin dib u dhaca doorashada, wixii ka dhasha dib u dhacaas ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan.

Farmajo ayaa waxa uu adeegsanayaa maamul goboleedyada daacada u ah lafta gareen qoorqoor guudlaawe oo weli aysan soo dhameystirin galmudug oo ay ku dhiman yihiin labo kursi halka lafta gareen uu doonayo inuu ku xakameeyo kuraasta Golaha Shacabka uuna soo xusho xildhibaano daacad u ah isaga iyo Farmajo

 

Post a Comment

0 Comments