cuntooyinka sababi kara gaaska caloosha Iska ilaali

 

Raashinka dufanka leh
         


A C-WARAR

Socodka waa shey dabiici ah. Qofka caadiga ah wuxuu socdaa 5 ilaa 15 jeer maalintii. Balse haddii caloosha aad ka qabto gaas kuuma suuragaleyso in aad caafimaad ku sameyso lugeys ama jimicsi kale.

Dabcan waxaa intaas sii dheer xanuun iyo dhibaato shakhsi ahaaneed. Khubarada waxay ku doodaan in waxyaabaha laab-jeexa keena ay yihiin kuwo u wanaagsan caafimaadkaaga guud, sida caleenta maaddada fiber-ka laga helo iyo cuntooyinka carbohydrates-ka.

Jirkaaga awood uma laha inuu burburiyo raashinkan balse bakteeriyada ku jirta dheef shiidkaaga ayaa shaqadaas qabaneysa.

Sidaas darteed, maxay yihiin noocyada cuntooyinka aad u baahan tahay marka aad soconeysid, raashinka noocee ah ayaa sababa shiirka badan ee jirka, waase goormee marka aad u baahan tahay inaad dhakhtar la tashato?

1. Raashinka dufanka leh

Cuntooyinka dufanka leh waxay gaabis ka dhigaan shaqada dheef shiidka, sidaas darteed raashinkaas wuxuu ku daahayaa uur ku jirtaada, wuu ku dhex qurmayaa wuxuuna sababi karaa inay neeftaada soo shiirto.

Hilibka baruurta leh waxaa ku badan maaddooyinka aashitada wata ee amino-acids, methionine iyo sulfur.

Bakteeriyada jirkaaga ayaa burburineysa sulfur-kii kaddibna waxay ka dhigeysaa nooc kale oo ah "hydrogen sulfide". Markaas wuxuu usoo urayaa sida ukun quruntay oo kale.

Arrintaas waxay kordhineysaa xaddiga gaaska ee calooshaada ay sii deyso marka aad cunto hilibka iyo raashinka kale, sidaas ayuuna laab jeex ku imaanayaa marka gaaskii tirada badnaa uu usoo gudbo meelo ka baxsan caloosha.

2. Caleenta cagaaran

Khudaarta caleenta ah waxaa ku badan maaddada fiber-ka oo uu jirkeenna u baahan yahay, balse waxay sidoo kale wadataa sokor ay seynisyahannada u yaqaannaan "raffinose".

Skortaas jirkaaga lama falgali karo, sidaas darteedna waxaa ka imaan kara jahwareer caafimaad oo dhanka dheef shiidka ah.

Toos waxay u aadeysaa mindhicirrada oo u isticmaalaya tamar ahaan. Hannaankaas waxaa ka dhalanaya "hydrogen, methane" waxaana ka abuurmaya neef ur badan.

3. Ukunta

Fikrado kala duwan ayay dadka ka qabaan ukunta, balse inteenna badan gaas kama dhaxalno cunista ukunta. Laakiin waxaa xaqiiqo ah inay ku jirto maaddada methionine oo ka kooban Sulfur.

Marka haddii aad dooneyso in aadan si xun u shiirin ukunta haku cunin raahinka kale ee dufanka leh.

Haddii ay calooshaada aariyo ku dibirto ama aad shubanto marka aad ukun cunto, waxaa suuragal ah in uusan dheef shiidkaaga si fiican ula shaqeyneynin ukunta ama aad xasaasiyad ku qabto.

4. Basasha

Basasha, toonta iyo cuntooyinka la midka ah waxay sababi karaan aariyo caloosha ka buuxsanta oo sababa dibiro ama gaas.

5. Cuntooyinka ka sameysan caanaha

Caanaha lo'da iyo kuwa ariga waxay ka sameysan yihiin maaddo la yiraahdo "lactose" oo kordhisa gaaska sokorta.

Taas waxaa kasii muhiimsan in 65% ka mid ah dadka waaweyn ee ku nool caalamka aysan awood u lahayn inuu dheef shiidkooda burburiyo lactose, waxayna u badan tahay inay ka cawdaan gaas iyo laab jeex haddii ay cunaan raashinka ka sameysan caanaha.

 6. Qamadiga iyo haruurka oo dhan

Maaddooyin gaaska badan soo saara iyo fiber ayaa ku jira qamadiga iyo badarka kale ee qolofta leh, sida galleyda iyo masagada.

Marka uu raashinka noocan ah dheef shiidka ku adkaado waxay caloosha soo saartaa aashito gaas ah oo ka tiro badan xaddigii loo baahnaa.

7. Kabashka iyo khudaarta la midka ah

Si la mid ah khudaarta kale ee cagaaran, kabashka, broccoli iyo caleenta kale ee noocaas ah waxay dhammaantood dhibaan dheef shiidka, kaddibna caloosha waxay ka dhigataa tamar si ay u soo saarto gaas xad dhaaf ah oo shiida ama burburiya.

In badan oo ka mid ah khudaartan waxay abuuraan sulfur, sidaas darteed waad qiyaasi kartaa sida uu urkooda u xoog badan yahay.

8. Mirahan

Qaar badan oo ka mid ah miraha khudaarta ah, sida tufaaxa, cambaha iyo kuwa la midka ah waxay ku jiraan raashinka ay adag tahay in si dhakhso ah uu caloosha ugu burburo.

Mararka qaar tufaaxa iyo khudaarta isagoo kale ah waxay leeyihiin fiber waxtar weyn u leh caloosha inkastoo dhanka kalena ay kordhinayaan gaaska.

Dad badan way ku adag tahay inay dheef shiidka ku baabi'iyaan haddana kama maarmi karaan.

Gabagabadii, dhakhtar la tasho haddii raashinka noocyadan ah ay kuu horseedayaan dhibaato ka badan sida caadiga ah.

 




Post a Comment

0 Comments