shacabka somaliyeed waa ay ku sirmeen qaswade farmaajo



 A C-WARAR

dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la doortay 8-dii bishi Febraayo ee sannadkii 2017-kii, iyadoo wali ay shacabku isweydiinayaan waxa ka hir galay ballan qaadyadii uu madaxweyne Farmaajo sameeyay markii uu xilka u taagnaa.

Cid walba oo dhageysatay khudbadii uu barlamaanka ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo markii uu ahaa musharaxa, waxay hadalkiisa ka dheehan kartay waxyaabao badan oo ay adag tahay in laga hir galiyo Soomaaliya, kuwasi oo madaxweynaha uu ballan qaaday, balse dhaqan-gelintoodu uusan fulin

Amniga wuxuu ka mid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku ol'oleynayay, xilligii uu musharraxa madaxweyne ahaa

Waxyaabah ugu horeeya ee tusaalaha loo soo qaadan karo, aadna loo xusuusto ayaa waxaa kamid ah ballantii uu qaaday oo ahayd soo afjaridda dagaal ka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab

Burburkii dowladnimo ee Soomaaliya 1991 waxaa ka horreeyay 22 sano oo kali-talisnimo ah oo la burburiyay hay’adihii isla xisaabtanka, iyo nabaad-guurka ku yimid sharciga iyo adeegsiga naxariis darrada ah ee awoodeed ee dowladdu si ay ugu sii hayaan hoggaanka talada haya. Nasiib darro, Soomaalida waxay umuuqataa in wax yar ay ka baratay cutubkaas ee taariikhdeena.

Dib-u-dhiska Soomaaliya, maalgashiga ugu badan wuxuu galay xoojinta dowladnimada iyada oo aan la xoojinin ku dhaqanka sharciga ama aan la dhisin hay’adaheeda madaxda lagula xisaabtami karo. Tani waxay lamid tahay dhisida gaari 

aan lahayn astaamaha amniga sida biririfta iyo barkinta shilka. Iyadoo aan la helin hay’adihii lagama maarmaanka u ahaa inay xakameeyaan awoodda ciidamada amniga, kalsoonida bulshada ee dawladda iyo rabitaankooda ah inay ixtiraamaan ku dhaqanka sharciga ayaa yaraanaya maadaama awoodda dowladnimada loo adeegsado siyaasadda, qaldan

Si kastaba Soomaaliya ayaa gashay xaalad cusub, kadib go’aankii muddo kordhinta baarlamaanka oo ay si weyn uga biyo diidan yihiin mucaaradka, beesha caalamka iyo shacabka somaliyeed

Madaxweynihi waqtigiiisu dhamaaday  Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa uu qabaa shacabka Soomaaliyeed in ay laba wada daran mid uun doortaan:

1. Kaligii talis in ay isku dhiibaan aqabalaane in uu Sharci darro ku xakumo

2. In uu dalka  geliyo dagaal sokeeye dad badane ku dhintaan kuna dhaawacmaan, rajadi dowladnimadina sidaas ku baabi’iyo.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed maxaa la gudboon?

Waxaan qabaa in aan u wada istaagno sidi aan aan uga hortagi lahayn himilooyinka wada foosha xun ee Farmaajo rabo in uu ku foolxumeeyo Soomaalinamada una marno wada kasta una hurno qiima walba.


Post a Comment

0 Comments