A C-WARAR
Safiirkii hore ee Dowladda Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen M.
Schwartz, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowlada Qatar oo maalgalisa
Fahad Yaasiin iyo Hay’adda NISA ay qatar ku yihiin dimuquraadiyada Soomaaliya.
Stephen M. Schwartz, ayaa sheegay in dowlada Qatar u adeegsaneyso Fahad iyo
Ha’adda NISA uu maamulo in uu ku wiiqo awooda dastuurka Soomaaliya u degsan iyo
hanaanka dimuquraadiyada ee xil isku wareejinta.
”Fahad Yasin oo taageero ka helaya Qatar waxa uu Hay’adda NISA u rogay
qaabkii ugu weynaa ee Farmaajo u wiiqay dastuurka Soomaaliya, xeerarka
dimoqraadiyadda, taasi waxa ay dhalisay in Xaaladda xuquuqul insaanka ay ka sii
darto, dawladnimadii macno beesho, Al shabaabka culaysku ka yaraado” ayuu yiri
Danjire Stephen M. Schwartz
Diblumaasigan Mareykanka u dhashay ayaa sidoo kale dowlada uu hogaamiyo
Farmaajo ku eedeeyay in ay iska indha tireyso baaqyada joogtada ah ee ka
imaanaya Beesha caalamka ee ku aadan in la qabto doorasho u dhacda si xor iyo
xalaal ah
Dhinacakale Taliyaha Booliiska gobolka
Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa goor dhow shaaciyey in taliska
ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya,
kaas oo qorshaha uu yahay in muddo
kordhin laba sano ah loo sameyo barlamaanka sidoo kalena u sameeyaan
madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Saadaq Joon ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed uu waajib qaran ka
saaran yahay nabad-geylada guud iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.
Taliyaha Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sababta ugu weyn ee
loo joojiyey kulanka baarlamaanka ku sheegay, si looga hortago in dalka la
geliyo fowdo & qalalaase.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya looga
baahan yahay inay aadaan deegaanadooda iyo doorashooyin, maadaama uu ka
dhammaaday muddo xileedka.
“Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan leeyahay 4 sano ayaad joogteen afartii
sanana waa idinka dhammaatay waa la’idin soo doortay ee doorasho dib ugu
laabtay,” ayuu sii raaciyey.
Waxa kale oo uu xusay in aysan ogoleyn in la sameeyo muddo kororsi dalkan u
horseedayo dib u dhac horleh iyo in dib loogu noqdo dagaalladii sokeeye.
“15-ka bilood oo la kororsado oo dib noo dhigta 15 sano ma dooneyno waxaa
loo baahan yahay in la qaato mas’uuliyada wadareed,” ayuu markale yiri Saadaq
Joon.
Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane
Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu qaato doorkiisa ku aadan
doorashooyinka.
“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaan ka codsanayaa ama u sheegayaa wadanka
mas’uuliyaddiisa inuu qaato. Dadka is-diidan wax kala xoogaya ha-ku celiyo
Teendhada ayaa furan shirkii ayaa furan nabad ayaa furan ha-lagu laabto ha-lagu
soo kala goosto”.
Si kastaba go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo laga baqayey in
baarlamaanka uu ku dhowaaqo muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo
hay’adaha kale ee dowladda
0 Comments