Farmaajo oo loogu baaqday inuu ku soo laabto shirka Afisiyooni.

 


A C-WARAR

Mamaulka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuusan fashilin Shirka Afisiyooni, isla markaana uu ku soo laabto

Qoraal kooban oo Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Afhayeenka Maamulka Puntland Jaamac Yuusuf Daparaani ayaa wuxuu ku sheegay in Puntland weli diyaar u tahay wada-hadal, isla markaana Farmaajo ay ka dalbadanayaan in uusan fashilin Shirka Afisiyooni

Waxaan ugu baaqeyna Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka ayuu yiri” Jaamac Dabaraani.

Warkan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in shirkii Afisiyooni ay fashiliyeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, balse labada Maamul ay sheegeen in uusan fashilmin shirka

Dhinacakale Warqad Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta  ee uu hoggaamiyo Maxamed Xuseen Rooble ay u dirtay Golaha Ammaan ka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay amniga doorashooynka iyo caqabadaha heysta

Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobler lagu wareejiyay Amniga doorashooyinka kadib walaac ka yimid dhinacyo badan oo saameyn ku leh doorashada Soomaaliya

Arintan ayaa kusoo aadeyso xilli musharraxiinta mucaaraadka maamullada Jubland iyo Putland ay horey u shaaciyeen in amniga doorashooyinka dalka aan lagu aamini karin madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi 

Maxamed Farmaajo Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha murugsan ee doorashada iyo shirarkii maalmihii lasoo dhaafay ugu socday Muqdisho madaxda maamulada iyo dowlada uu hogaamiyo Farmaajo



 Warar kale oo aan helnay ayaa xaqiijineysa in qeyb ka mid ah laga jartay lacago guno ah oo ay qaadan jireen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud taasi oo ay bixin jirtay dowladda dhexe 

lacagtan ayaa aheyd mid labada madaxweyne ama madaxweyne kasta oo xilka ka dega uu dastuurka u ogolanayo balse waxaa lacagtaas hada qeyb kamid ah ka jartay farmajo sida ay noo xaqiijiyeen xubno ku dhow arintaan ayaa lagu micneeyay cunaqabatayn ka dhan ah madaxdii hore iyo sidoo kale in ay tahay daan-daansi ka dhan labadaan masuul oo dalka usoo shaqeeyay xili adag


Post a Comment

0 Comments