Farmaajo ayaa joojiyay shirka kadib markii uu diiday dhamaan dalabaadka mucaaradka iyo Beesha Caalamka


A C-WARAR

madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari waa.

madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari waa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya

Waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay bahdishay ciidanka Qaranka oo kalsoonidii shacabka ay ka sii lumineyso, wiilasha hoggaamiyana aysan kala garaneyn waxa sharciga ah iyo waxa aan sharciga aheyn, sida uu hadalka u dhigay.


Dhinaca kale Warar kala Duwan ayaa ka soo baxaya in wasaarada Difaaca Somaliya ay billowday in ay cadaadis saarto askarta ka diiwaan gashan islamarkaana ilaalada u ah Mucaaradka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadajir ee hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo taliska Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay  in mushaarka laga joojiyay ciidan ku dhow 70 askari.

Ciidanka lacagta laga joojiyay ayaa intooda ugu badan ilaalo u ah Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo badankood ay dhowaan ku biireen ilaaladiisa iyo Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaasad Indhacade, oo isna ku dhow mucaaradka.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horey u lahaa ilaalo gaar ah, oo aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda Soomaaliya, oo gaaraya illaa iyo dhowr iyo toban, hase yeeshee kadib weerarkii dhacay 19-ii Febraayo ee lagu qaaday mucaaradka qaarkood, ayaa waxaa ku biiray ilaalo ku beel ah, oo qaarkood ka yimid dhanka Indha-Cadde oo ay sidoo kale isku jufo yihiin

Post a Comment

0 Comments