Dowlada Waqtigeeda dhamaaday oo wado Qorsha ka dhan ah ahmed Madoobe


 A C-WARAR

Waxaa goordaw teendhada Afisiyooni ee xeendaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka bilowday shirka wadatashiga ee u dhaxeeya Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan oo lagu waday in shalay dib u furmo ayaa dib u dhacay kadib markii uu kasoo qeyb gali waayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo safar ugu maqnaa magaalada Dhuusomareeb.

Sida aan wararka ku heleyno shirkan goordhaw u furmay Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa diirada lagu saarayaa sidii isfaham looga gaari lagaa ajandaha shirka rasmiga ee soo socdo.

Ilo ku dhaw dhaw shirka ayaana ku waramaya in rajo badan laga qabo in shirka maanta yeelanayaan Madaxda iska soo horjeeda is faham ka gaaraan qodobada ay isku hayaan gaar ahaan ajandaha shirka ee yeelanayaan Madaxda .

Beesha caalamka ayaana ku cadaadineysa madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada in ay gaaraan heshiis iyo is faham, waxaana madaxda Dowlada iyo kuwa maamulada la filayaa in ay u hogaansamaan cadaadiska beesha caalamka

Dhinaca kale Villa Somalia ay diiday shan qodob oo ay soo jeediyeen maamulada Puntland iyo Jubaland, islamarkaana ay sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin, kuwaas oo kala ah:-

1- In la ballaariyo shirka oo laga qeybgeliyo mucaaradka si loo qaato go’aan kama dambeys ah oo ku aadan doorashada Soomaaliya. 

2- In laga doodo mudddo xileedka hay’adaha dowladda ee dhamaaday si gaar ah madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Si gara ah in Madaxweynaha Soomaaliya qoro warqad uu ku cadeynayo in uusan aheyn Madaxweyne islamarkaana ka dhamaaday muddo xileedkiisa, oo uu yahay kaliya sii-hayaha xilka madaxweynaha.

3- In laga wada hadlo arrimihii dhacay 19-kii Feberaayo 2021, kuwaas oo ahaa weeraradii loo geestay mucaaradka. Arrintan ayaa waxaa sidoo kale diidmada Farmaajo ku raacsan Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor.

4- In laga hadlo amniga doorashada iyo cidda sugeysa maadaama qaar ka mid ah ciidamada qaranka lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen weeraradii mucaaradka. 

5- In xilalka laga qaado taliyaasha ciidamada qaarkood, kuwaas oo la sheegay in ay door ku lahaayeen qalalaaso ka dhacay Muqdisho, si gaar ah ah taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasin, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan dowladda.

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in Villa Somalia diidan tahay in qodobadaan ka tanaasusho halka dhinacyada kalane ay diideen in ay ka tanaasulaan, taasi oo xaaladda ka dhigeysa mdi is-mari waa ah.

Lama oga sida uu ku dambeyn doono xaalka Soomaaliya waxaase la aaminsan yahay in sababahan dartood uu shirku guul darro ku dhamaan doono.

Post a Comment

0 Comments