Al-Shabab oo weeraray laba saldhig oo milatari saakey


A C-WARAR

Dagaalyahanada Al Shabaab oo taakuleen ka helo dawlada waqtigeeda dhamaadey gaar ahaan fahad yasiin iyo dalka Qatar iyo turkey ayaa saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhigyo ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin degmada Owdheegle iyo Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidanka xooga Soomaaliyeed ee ku lahaayeen Owdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Kabtan Cabdirashiid Banuuji oo katirsanaa saraakiisha aqoonyahanada ee ku jira ciidanka milatariga Soomaaliya ayaana saakay kamid noqday dadkii ku dhintay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xerada Bariire.

Sargaalkan ayaa kamid ahaa aqoonyahanada wax kusoo bartay dalka dibadiisa gaar ahaan dalka turkey waxa uuna go’aansaday in uu kamid noqdo ciidanka xooga Soomaaliyeed isagoona ka weecday dhinaca aqoonta uu soo bartay in uu ku shaqeesto.

Weerarka Al Shabaab saakay ku qaadeen saldhigyada ciidanka xooga Soomaaliyeed ku leeyihiin Owdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku dhintay saraakiil iyo ciidamo katirsan labada dhinac ee dagaalamay.

Xaalada cakiran ee dalka kataagan ayaa sabab teedu leeyihiin fargalinta shisheey ee turkey iyo Qatar kuwaasi oo tawbaro soo siiyo ciidanka al shabaab iyagoo ku meel maraayo in eey somaliya ciidamo u soo tawbarto







Post a Comment

0 Comments