A C-WARARWarqad kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka
Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu sheegay in shan fadhi
lagaga joojiyay 15-Xidhibaan oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa sidoo kale lagu
sheegay in xubno kale oo soo xaadiray fadhiga golaha balse si ku talogal ah u
saxeexi waayay liiska maxdarka si ay is horistaag ugu sameeyaan kulankii
baarlamaanka la farayo in hantidhawrka goluhu uu soo gudbiyo magacayadooda.
Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Mahad Salaad, oo ka mid ah 15 xildhibaan
oo uu guddoomiyaha baarlamanka sheegay inuu ka mamnuucay kulamada baarlamanka,
ayaa jawaab ka bixiyey tallaabada uu qaaday Maxamed Mursal.
Mursal ayaa qoraal uu xalay soo saaray wuxuu ku sheegay in 15 xildhibaan
aysan ka qeyb-gali karin 5-ta kulan ay soo socda ee baarlamanka, isaga oo ku
eedeeyey inay fowdeeyeen kulankii shalay ee la tuhmay in muddo kordhinta loogu
sameyn lahaa madaxweyne Farmaajo. 15-ka xildhibaan ayaa kala ah:
1 –Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur
2 –Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf lidow
3 –Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow
4 –Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur
5 –Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
6 –Xildhibaan Cabdirasaq Omar Maxamed
7 –Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
8 –Xildhibaan Maxamed Cali Cumer
9 –Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed
10 -Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Xasan — Alankey
11 –XiIdhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig
12 –Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji
13 –Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon
14 –Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfa
15 –Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku
sheegay “in aan marna warqadani naga hor istaagi doonin gudashada
waajibaadkeena.”
Sharaf iyo karaamo ayey inoo ahayd aniga iyo sxbada halkaan ku xusan iyo
kuwa aan ku xusnayn ee maanta ku guulastay in ay fashiliyaan muddo kororsiga ay
doonayeen kuwa matalaadi shacanka ku iibsaday sanbuuska ee uu hormuudka u ahaa
Maxamed Mursal oo ku shaqayna fikirka guracan ee Farmaajo, waxaana aaminsanahay
in aan marna dalkaan ka hirgeli doonin mudo kororsi waana ku hungoobi doonaan,
Balse wixi dhacay maanta waxaa ay shacabka bareen wejiyada runta ah ee Farmaajo
iyo Mursal, sidoo kale Waxaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan marna
warqadani naga hor istaagi doonin gudashada waajibaadkeena,” ayuu yiri
Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Dhinaca kale, Mahad
Salaad ayaa isna qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Maxamed Mursal
wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed.
Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u
qaadaya mas’uuliyadeeda!”
Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Mahad Salaad iyo xildhibaano kale ayaa shalay
la wareegay minbarka baarlamanka, waxayna fashiliyeen qorshe ay sheegeen in
Mursal uu doonayey inuu laba sano oo muddo kordhin ah ku siiyo Farmaajo
0 Comments