Madaxda Dowlad Goboleedyada taageersan Farmaajo oo ku Qancinaya inuu ka tanaasulo laba Qodob


A C-WARAR

 Madaxda Maamul Goboleed ee Galmudug, Hirshabeelle iyo K/galbeed taageersan caawa xarunta Madaxtooyada shir gaara kula leh Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirkan ayaa qeyb ka ah is-aragyo xasaasi ah oo qeyb ka ah dadaalka loogu jro in xal laga gaaro khilaafka hareeyay Doorashada iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha hortaagan qabashada shirkii Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada

Axmed Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo C/casiis Lafta-gareen ayaa Maxamed Farmaajo kulankan kula wadaagaya shirarkii is-daba joogga ahaa ee ay la yeesheen Madaxda Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo sidoo kale kulamadii ay la qaateen Midowga Musharixiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Arrimaha ugu adag ee Maxamed Farmaajo laga doonayo ayaa ah inuu ka tanaasulo laba qodob oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah: Inuu qoraal ku caddeeyo xilliga kala guurka ah, kaasoo uu awoodiisa ku xaddidayo iyo in ajendayasha shirka wadatashiga laga heshiiyo iyo qodobadda looga hadlayo shirka ee u baahan in dood dheeraad ah laga yeesho sida damaanad qaadka fulinta heshiisyada Doorashada.

Arinta kale ee soo cusboonaatay ayaa ah Qorshaha mudo kororsiga ee la sheegay inuu ka danbeeyo Farmaajo ee ka socda Baarlamaanka, kaasoo ay si weyn uga horjeedaan madaxweynayaasha taageersan Farmaajo oo uu ugu horeeyo C/casiis Lafta-gareen.

Shirarkii socday maalmihii ugu danbeeyay ayaa lagu ogoleysiiyey dhinaca Siciid Deni iyo Axmed Madoobe inay ka tanaasulaan shuruudihii ka horeeyay shirka, taasoo xaaladda rajo soo gelisay, balse waxay wax waliba ku xiran yihiin tanaasulka laga rabo Maxamed Farmaajo oo shaki badan laga muujinayo inuu diyaar u yahay xal laga gaaro Doorashada

Post a Comment

0 Comments