Kadib fashilkii wareegii labaad ee wada hadaladii shalay iyo dib u dhigista banaanbaxa mucaaradka, Farmaajo wuxuu dalka ku hogaaminayaa dagaal sokeeye



A C-WARAR 

Dowlada Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe ciidamo aad u badan oo isugu jira milatari, booliis iyo nabad sugid soo dhoobtay qeybo badan oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan wadooyinka muhiimka ah.

Ciidamadan oo hub kala duwan watay aadna u feejignaa ayaa goobaha lasoo dhoobay waxaa kamid ahaa taalada Daljirka Dahsoon oo maanta lagu waday in banaan bax ka dhaco iyo isgoosyo kale oo la shaaciyay in dibad baxayaasha isku aruursan lahaayeen

Mucaaradka banaan baxa abaabulayay ayaa sheegay in ciidamada dowlada soo dhoobtay Wadooyinka Muqdisho iyo taalada Daljirka Dahsoon ujeedkoodu ahaa in ay fashiliyaan banaan baxa la qorsheeyay in uu maanta dhaco balse la baajiyay.

Dowlada Soomaaliya ayaana saakay wadooyinka magaalada Muqdisho iyo taalada Daljirka Dahsoon ka qaaday ciidamadii xalay lasoo dhigay, kadib markii Midowga Musharaxiinta shaaciyeen in dib u dhigeen banaan baxii ay qorsheeyeen.

Ciidamada wadooyinka magaalada Muqdisho lasoo dhoobay ayaa inta badan lagu celiyay xeryo ciidan oo markii hore laga soo saaray, waxaana wadooyinka Muqdisho saakay lagu arkayaa ciidamadii booliiska ee horey u joogi jiray.

Dowlada Soomaaliya oo horey u ogolaatay qabashada banaan bax nabdoon ayaa hadana la timid qorshayaal kale ay ku fashilneyso banaan baxaasi kadib markii ay xiratay wadooyinkii ay soo mari lahaayeen dadka banaan baxa ka qeyb qaadan lahaa.

Waxaan ugu baaqeynaa mucaaradka inay mar labaad mudaharaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan si looga takhaluso Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday welina ku dhegan xukunka iyo fowdada faafinaya.

Quswad farmaajo wuxuu marayaa wadadii siyaad bare wuxuuna cabudhinayaa awooda dadkii ku doortay qalbi furan 

 Beesha Caalamku waa in eey la xisaab tamaan ficiladii Farmaajo ee Soomaaliya .. Waa in lagu cadaadiyo inuu qabto doorasho xur iyo xalaal ah 

Post a Comment

0 Comments