Fahad Yasiin oo ku sii jeedo gedo si u soo dhaweeyo danbiile Cabdirashiid Janan

 

A C-WARAR

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in taliyaha Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin maanta kusii jeedo degmada Doolow ee gobolka Gedo .

Fahad Yaasiin ayaa la filayaa in Doolow uga sii gudbo degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo halkaas oo isna la filayo in maanta soo gaaro Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Sida aan wararka ku helnay Fahad Yaasiin iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa u tagaya Degmada Baled Xaawo dhameestirka heshiis hoose ay wada galeen  Cabdirashiid Janan iyo dowlada federaalka.

Cabdirashiid Janan ayaa maanta la filayaa in isaga iyo ciidamada ka amar qaata soo gaaraan degmada Baled Xaawo halkaas ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa si uu heshiis rasmi ah ula gaaro dowlada federaalka.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan laga yaabo in loo soo qaado magaalada Muqdisho ugana sii gudbo dalka Turkiga halkaas oo la sheegay in uu deegaansanayo ayna qeyb ka aheyd heshiiska uu la galay dowlada.

Fahad Yaasiin oo ah furaha dowlada iyo maskaxdii ka dambeesay in ciidamada dowlada la wareegaan gobolka Gedo ayaa ka shaqeeyay in Cabdirashiid Janan kasoo goosto Axmed Madoobe lana heshiiyo dowlada federaalka.

Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ayaa horey dambiile ugu tilmaantay Wasiir Janan oo horey uga baxsaday xabsi uu Muqdisho uga xirnaa, waxaana dowlada heshiiska kadib la filayaa in ay cafiso kana saarto liiska dambiilayaasha.

Si kastaba Janan ayaa horey loogu xiray magaalada Muqdisho isaga markii dambe ka baxsaday gacanta dowladda dibna ugu laabtay magaalada Kismaayo isaga oo markii dambe u wareegay dhanka gobolka Gedo kadibna dagaal ka bilaabay beledxaawo farmajo wuxuu faafinayaa fowdo iyo dagaal si walba Farmajo ayaa hub badan u 

diraya gobolka Gedo si uu u xakameeyo ka hor inta aan xal nabadeed la helin turkiga ayaa wali ku taageeraya Farmajo iyo Fahad Yaasiin hub iyo gawaarida gaashaaman si meesha looga saaro sharci ahaanta axmed madowe si ay iyaga ula wareegaan jubaland 

Waxa laha yaaba in cabdirashiid Janan loo soo qaado magaalada Muqdisho ugana sii gudbo dalka Turkiga halkaas oo la sheegay in uu deegaansanayo ayna qeyb ka aheyd heshiiska uu la galay dowlada fahad Yaasiin oo ah furaha dowlada iyo maskaxdii ka 

dambeesay in ciidamada dowlada la wareegaan gobolka Gedo ayaa ka shaqeeyay in Cabdirashiid Janan kasoo goosto Axmed Madoobe lana heshiiyo dowlada federaalka

 


Post a Comment

0 Comments