beesha caalmka oo kahor tag tey qurshihii farmaajo

 


A C-WARAR

Maraykanka oo goordhaw kadajiyay muqdisho ciidamo sigaar ah utababaran oo lasheegay inay ilaalin doonaan amaanka siyaasiyiinta kaqaybgalaya shirka ay beesha caalamka qorshaynayso inuu bari furmo.

Qorshaha maraykanka ayaa yimid kadib markii safaaradooda Muqdisho ay heshay xog ku saabsan inay dawladu doonayso inay ciidamada Haramcad ku car qaladayso shirka barito ka furmaya shirka Teendhada afasiyooni.

Madaxweynaha Puntlad saciid Dani waxa uu sheegay in xalay dowladda waqtigeedu dhamaaday ay ciidamo hor leh kusoo daabusahy garoonka Aadan Cadde oo uu degan yahay, midaasi oo uu ku tilmaamay inay arrintaas lamid tahay weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore xili ay ku sugnaayeen hutel Ma’ido.

Maxaa shir laga qeyb-galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuumtay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay lamid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da,” ayuu yiri.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa A C  u xaqiijiyay in isbedel lagu sameeyay qaar ka mid ah ciidamadii booliska ee horay ugu sugnaa saldhigga garoonka oo la hoos geeyay qeybta guud ee Booliska (Booliska Gobolka Benaadir). Arrintan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey Madasha Badbaado Qaran, oo xalay qoraal soo saartay

Dowladda Soomaaliya ayaa sida aan xogta ku helnay xalay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde geysay ciidanka ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo daqiiqo kadib ka laabtay garoonka banaankiisa kadib markii ay isku hareereeyeen.

Xog muhiim ah oo ay heshay A C  ayaa tilmaamaya in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in garoonka Muqdisho aysan mucaaradka hub la gelin, sidoo kalane cadaadis lagu saaro Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo sheegay in ciidanka garoonka tagay ay wateen gaadiid dagaal iyo hub culus, waxaana laga cabsi qabaa in loo adeegsado caburinta iyo cadaadiska mucaaradka. 

Dhinaca kale Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay arrin saacadihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayey, midaasi oo la xiriirtay in garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade la geeyay ciidamo hor leh.

Xijaar ayaa sheegay inaysan jirin wax ciidamo hor leh oo lagu daabulay garoonka Aadan Cadde, kadib markii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu saldhigga garoonka hoos geeyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-banaan.

Saraakiisha Qaabilsan Amaanka Musharixiinta oo degen agagaarka garoonka ayaa sheegay in ciidamadooda ay heegan geliyeen islamarkaana ay ka hortagi doonaan daan daansi kasta oo iga yimaada dhica dawlada.


Post a Comment

0 Comments