Midowga musharaxiinta oo ku baaqey bixitaanka Farmaajo iyo hogaamiyaasha ciidanka


 

A C-WARAR

Xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo kulan dhanka Aaaladda Zoomka ah la yeeshay wakiilada beesha caalamka ayaa la wadaagay warbixino ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo doorashooyinka.

Kulanka dhex-maray midowga musharraxiinta iyo beesha caalamka oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey & doorashooyinka.

Musharraxiinta ayaa sidoo kale warqad ka kooban labo bog u diray wakiilada beesha caalamka, waxaana ku qornaa shuruudo adag oo ay soo bandhigeen mucaaradka.

Qodobada ku xusan warqadda waxaa ka mid ah:

1n baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday hotelkii ay deganaayeen madaxweynayaashi hore & falkii lagu rasaaseeyay bannaan-baxayaashii  ay hoggaaminayeen musharaxiinta mucaaradka ee Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho

-In madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku wareejiyo talada dalka Gole Qaran oo KMG ah. 

-In heshiis kama-dambeys ah laga gaaro 3 qodob ee muranku ka taagnaa ee hore u jiray  sida arrinta Somaliland iyo tan Gobolka Gedo iyo guddiga doorashooyinka.

-In la abuuro jawi siyaasadeed oo ay ku jirto xorriyadda banaanbaxa, qabashada shirarka, ololaha, dhaq dhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo u adeegsiga warbaahinta qaranka si siman.

-In ay is-casilaan taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan Xoogga dalka, Sirdoonka iyo Booliska oo ay ku eedeeyeen inay ka qeyb qaateen weeraro ka dhan ah musharraxiinta

-In shirarka soo socda lagu qabto goob amni ah, islamarkaana uu jiro dammaanad qaad caalami ah oo korjoogteyanaya fulinta heshiisyada la gaaro.

-In golaha musharaxiinta madaxweynaha ay si toos ah uga qeyb-qaataan wadahadalada doorashooyinka iyo wadatashiga .

-In la dadajiyo doorashada, islamaraakana jadwalka lasoo saari doono uusan ka dheeraan muddo 60 cisho ah

-In doorashada madaxweynaha lagu qabto isla goobtii ay ka dhacday Febraayo sanadkii 2017-kii.

Hadalkaaan ka soo baxay mucaardka ayaa aad u soo dhaweeyey shacabka somaliyee iyo cuqaasha waxgardka


Post a Comment

0 Comments